Posts

MURUGO QURUX BADAN: DABADEED WAY IS GUURSADEEN

Image
Wax walbaa waxa ay ku bilowdeen murugo, waxa ayna ku dhammaadeen murugo, sidii in aysan waxba isbaddalin oo kale. Waxa ay u ekayd sidii in aysan meeshoodii ka dhaqaaqin, haddana waxa ay ku noolaadeen nolosha noocyadeeda kala duwan.  Subax qurux badan ayay Libin oo hooyadeed la jeclaatay magac guul ka turjumaya, balse nolosheedu noqotay taas cagsigeeda, waxa ay usoo dhaqaaqday dhanka xeebta si’ay u dareento nafisaad. Habeenkii ka horreeyay subaxaas oo dhan waxa ay ku qaadatay, oohin iyo murugo sababtoo ah jacaylkeedii, ninkii ay ragga ka dooratay ayaa u sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu sii wado xiriirkeeda.  Waxa ay fariisatay xeebta, biyaha badda oo mawjaduhu soo riixayaan ayaa ku soo daadanayay cagaheeda, ayaduse waxa ay u ekayd qof aan dareemayn. Maskaxdeedu waxa ay ku dhex dhuntay badwaynta, oo waxa ay is waydiinaysay sida ay macquul u tahay in qof aad jeclaatay sidaas fudud ku gu cidleeyo. Dhanka kale Ladane oo isaguna murugoonaya, oo raba in uu is illowsi...

180km/hr

Image
Gaariga oo taagan, daaqadda oo furan ayaan ka soo baxay albaabka gurigayga. Waa saq dhexe xilli qof walbaa seexday. Barafuunkiisa ayaa markiiba i saaqay. Waan u dhoola-caddeeyay kadib ayaan iri "Nolosheenna waxa ugu qurxooni waa wareegga aan xilligaan u baxno." Suunka ayaan xirtay kadibna gaariga ayuu dhaqaajiyay.  Heestii koowaad ayuu daaray. Oh Wonder - Livewire.  "Your love will take me higher and higher" marka uu fannaanku qaadayay ayuu isoo eegay. Laamiga ayaan soo gaarnay kadib ayuu xawaarihii gaariga siyaadiyay. Magaaladu waa Garowe, waddooyinku waa dhisan yihiin waana cidlo.  Bixidaani waxa ay uga duwan tahay kuwii ka horreeyay in ay tahay teennii u dambaysay. Berri subixii ayaan baxayaa, in aan dib isu aragnana waa masalo ku xiran hadba sida laandhuugu u dhaco.  Laamiga oo cidlo ah, wadada oo mugdi noqotay madama aan xoogaa ka soo fogaannay magaalada, gaariga oo ku soconaya 180km/hr wadnahayga oo xoog u garaacmaya, kiisa oo aanan qiyaasi karin i...

JANNO

Waan ku arkay oo ku caashaqay. Waa wax la gu qoslo in wax noocaas ah qof loola tago ayuu niyadda iska yiri. Ee maxaad samaysaa waa sidaas sida aad dareemayside? Miyaysan ku gu filnayn in aad bilooyin sheedda ka daawanaysay taasi sifo uguma filna miyaa jacaylkaaga saafiga ah? Oo yaa og in aad daawanaysay daawashadaasi miyaysan sababayn in la guu maleeyo mid wax si ka yihiin oo dadku la jaalkiisa ka durkaan?. Su'aalo aan dhammaanayn ayaa maskaxdiisa hadba dhinac u jiiraya, qalbigiisana jacayl intaas xaddi le'eg ayaa dhex heehaabaya.  Waa kan isaga oo galab galbaha kamid ah fadhiya daaqadiisa oo sugaya soo maritaankeedii joogtada ahaa. Waxa ay indhihiisu ku dhaceen daqiiqad habaaran bushimaheedii qosolka u samaysnaa oo si xad dhaaf ah u dhoolla-caddaynaya. Alla anaa jabay! Ma cid aan aniga ahayn ayaa sidaas uga qoslin karta. Oo maxay uga qoslin wayday soo adiga dhiirran waayay.  Marka aad waji ka waji isaga soo hor baxdaan si marxabayn ah ayay kuugu muusootaa mararka qaarna waaba...

YAA U BAAHAN JACAYL MARKA UU LACAG HAYSTO?

Foolxumaa jacaylku marka labada qof isku dhacaan. Haddana qurux badanaa marka xiisaha, carafta iyo saxansaxada rabitaanku dul wareegayso labo dareemaya in ay ayagu yihiin kuwa dunidaan u yimid in uu midkood ba kan kale hantiyo.   taleefankiisa ayay farriin gaaban balse macno wayn ku fadhida, farriin gacanta ay ka timid aan u lahayn macne ka sarreeya dareensii in aad heshay qof ka mudan isaga, balse qalbiga ay ku dhici doonto labo qeyb u kala dhanbali doonta, Farriin wiil jacaylka aaminsan weli, dareen xad dhaaf ah u haya tii koowaad ee uu indhaha ku furtay ka dhigi doonta in uu noqdo shabeel naagood dumarka sida shaarka iska ga beddala. Wiil qalbi nadiif ah leh ayay u rogi doontaa farriintaan yari mujrim aan wax aaminaad ah u hayn dunida waxa caqiidooyin yaalla. "Yaa u baahan jacayl marka uu lacag haysto?!." İn uu khalad akhriyay ayuu dhawr jeer ku shakiyay waase uu xaqiijiyay in su'aashu sidaas u dhigan tahay. Fajaciso kuma ay noqon oo Maryamo waa uu ka faliyay hadalkaas...

Ha Rajo Dhigin

Waxa aan saarnayn daaqadda qolka, waxa aan  daawanayay sawirka magaaladii aan ku dhashay anigoo isla jeerkaasna isaga indhihiisa eegaya.  Waxa aan sawiranayay sida ay macquul ku tahay in aan dhibaatooyinkaan dunida ka gudubno annagoo aan jacaylkeenna lumin, annagoo kalsoonida aan isku qabno aysan meesha ka bixin. Dadka waawayni waxa ay dhahaan waqtigu waa kan wax walba daweeya, aniga waxa ay ila tahay in uu waqtigu yahay kan dadka is jecel kala kaxeeya, kan ka naxsada kuwa rajo qurxoon mustaqbalka ka sugaya, kan wax walba oo xaqiiqada ka fog balse aan laabteenna ku siraynay meesha ka saara.  Anigoo wajigiisa daawanaya, ayaa waxa aan sawiranayay sida ay macquul ku tahay in aan si nabad ah ugu wada noolaanno magaaladii aan ka nimid ayadoo aan qabiil qabiil la isku dilayn, ayadoo aysan shacabku dowladda iska waardiyaynayn, ayadoo aysan dhalinyaradu tahriib ka fakarayn ee ay qorshaynayaan sidii aan dhulkeenna u beeran lahayn, baddeenna u dheefsan lahayn dunidana annagu asaage...

MUQDISHO WAY I SUGAYSAY

Wax walba waa dhammaadeen. Rajo danbe ma leh, riyo danbe ma leh, macquul maaha dib u laabasho, caqligu yeeli mayo dib u gocosho. Qoraxxdu waxa ay soo baxdaa subaxa si kasta oo uu u wayn yahay iftiinkeeda maalinlaha ah awood uma laha in ay nagaato, in ay la wareegto booska dayaxa. Ugu dambayn waxa ay ku khasban tahay in ay godkeeda u hoyato ayadoo ka xun, ama ku faraxsan ka ay tahayba awood uma lihin in ogaanno ka ay doorbidi lahayd. Anigu sidaas ayaan ahay, si kasta oo aan noloshaada ugu jiray, sifo walba oo aan ku joogay, albaab walba oo aan kasoo galay waxaa timid saacaddaydii tii aan galban lahaa noloshaadana macasalaamayn lahaa. Qorraxdu doorasho ma leh, anigase waad i siin kartay sifo aan ku nagaado, waad ii qoondayn wayday boos aan kaligay leeyahay. Boos aan isku hubo lama yaqaanka ka dhalan karana u bareero.  Waxa aad muujinaysaa murugo, ka qoomamayn iyo in aad ka xun tahay iswaaga haddana far fidin maysid, isku day kiisa ugu yar u huri maysid in aad bad-baadisid wada socosh...

NOOLE ISDIIDDAN

Ninka Soomaaliga ahi waa shakhsiga ugu isburinta badan adduunka. Caqligiisu wax buu rabaa, afkiisa wax taas ka duwan ayuu ka sheegayaa sidoo kale ficilkiisu labadaba waa burinayaa. Maalin walba waxa ay qabtaan shirar ay ku sheegayaan dib u dhiska dalka, afka nabad bay ka rabaan, gacmahana musuq, qabyaalad iyo kala irdhayn ayay kula jiraan. Adduunka ma la arkay waddan dib u dhis ku socdo 33 sano oo aan tallaabo horay u qaadayn? Maya. Waa wax ninka Soomaaliga ah oo kaliya ka suurooba. Ha illoobin oo duminta iyo qaxana isaga un baa keenay.  Shiikh hadduu yahay, habeen iyo maalin lacag aruurin iyo masaajid dhisid ayuu ku jiraa. Masaajidadaan dad ma soo saaraan miyaa maxaa lagu hayaa? Khudbadda jimcaha ee cadaalad darrada ka hadasha maa runta looga hadlo, maa dadka looga digo dhibaatada shakhsiyeed, midda bulsheed ee ka dhalanaysa in dad isku mid ah, hal waddan wada daggan hal luuqadna wada leh ay ayagu is gumaystaan is yasaan oo ay is takooraan?.  Ninka Soomaaliyeed afkiisa hadduu...