Posts

WAXA AAN RABAA İN AAN İSDİLO!

Waxa aan rabaa in aan isdilo!. Maskaxdaydu waxa ay i leedahay kac oo is dil. Marka aan soo kor istaago miiska jikada oo aan mindida kala soo baxo caaga weelka ee aan saaro qoortayda marka aan dareemo qabowga birta sida ay u afaysan tahay iyo sida ay sakamo gudahood nafta ii dhaafin karto ayaan inta indhaha isku qabto dib u eegaaa noloshayda waxa aan isku dayaa in aan halmar jiriirico dareemo. İn aan xasuusto xaalad qurux badan oo awoodi karta in ay jirkayga iyo dareemahayga gilgisho kadibna nolosha xiiso ii galiso, mararka qaar ilbiriqsiyo ayaan ku baraarugaa oo aan helaa xasuus yar oo kicisa dareenkayga sii dhimanaya. Mararka qaar wajigiisa ayaan xasuustaa dib ayaan u gocdaa markii koowaad oo uu gacantiisa gacantayda saaray, markii koowaad oo jirkayga iyo kiisu istaabtay. İnta aan dhoola-caddeeyo ayaan mindida iskaga ridaa halkii aan kasoo saaray ee maxaa dhici kara maalinka aan waayo xasuus aan dareenkayga xiisaha nolosha dib ugu soo ceshado? Macquul ma tahay in qiimaha ...

MASKAX GUURKA 7/20

7/20 MASKAX GUUR (Human capital flight) Ma rabo in aan waxa maskax guurku yahay halkaan ku sharxo oo aan falanqeeyo taasi wax wayn soo kordhin mayso oo badi waan wada naqaannaa ee sidee ayaan uga bixi karnaa ayaa igala macquulsan in aan wax ka qorno. Qeexid; Maskax guurku waa in dadka wax bartay, kuwa caqliga leh oo bulshada wax kusoo kordhin karaa ay dalkooda iskaga tagaan ayaga oo raadinaya nolol ka qurxoon tan ay dalkooda ka heli karaan. Dhibaatadaasi wadamada soo koraya oo dhan ayay haysataa. Xal in ay u helaan dawladaha dalkaas ka jiraa iskuma hawlaan oo haddii ay ka fakarayaan xallinta arrintaas waxa ay samayn lahaayeen dawlad shacabkeeda ku qancin karta in ay dhulkooda ku noolaadaan oo wax soo saar u samaysa dhalinyarada si'ay u helaan nolosha ay u qalmaan. Nasiib xumo arrintaas madaxda afrikaanku iskuma mashquuliyaan umana arkaan arrin xal raadin uga baahan. Annaga Soomaali ahaan waxaa noo dheer in shacabkeennu dhamaantood rabaan in ay dalka ka tagaan, (Bulsho guur) halka m...

6/20

6/20 ARAGTİDİİ KOOWAAD UGUNA DAMBAYSAY İndhihiisa dambasiga ah aniga oo ku dhex dhumay ayaan soo baraarugay, waxa aan dabaalanayay duni aan riyo iyo soo jeed midna lagu sawiran karin. Kursiga ugu horreeya ayaan ka fadhiyay baska isaguna hortayda ayuu taagnaa halka darawalka u dhow. Gaariga oo buuxa ayuu soo galay taas ayaa sababtay in uu halka laga soo galo taagnaa.  Suuqa ayaan ka imid. waxa aan la socday gabadh soomaali ah oo aan caawimaad ahaan u raacay. Xaaladayda nafsiyeed aad ayay u xumayd. Dhinac walba oo noloshayda ku saabsan waxa uu lahaa darafyo madow. Waqtigaas ma ahayn waqti ay indhahaygu qaban kareen ina rag Hubsiimo iyo hubsiimo la'aan ba. Qalbigaygu waxa uu u ekaa mid ka anagagay dhanka jacaylka ragga waxa aan dareemayay in nafsadayda uusan boos uga bannaanayn nin dambe oo qalbigayga jabiya. Taas waxaa dheerayd waxa aan aaminsanaa in aniga jacaylkayga iyo cidda aan ka helitaanka u qaadayaa ay madowga ku jaan go'an tahay. Rabitaankayga shakhsiyadeed da...

5/20

CAQLİYADDA DUMARKU WAY KU DHALEEN. Dumarku ma waxa ay xurmo ku mutaysanayaan in ay ku dhaleen, mise waa bini'aadam xurmo mudan hadduu wax dhalay iyo haddii kale ba? Haddii xurmaynta dumarku ku xiran tahay hooyo nimada kuwa aan weli guursan ayaga maxaa lagu xurmaynaaa? - Haa. Way kula dhasheen ayaa la oranayaa. - Haye wiilka aysan gabadhi la dhalan isaga qalbigiisa maxaa lagu jilcinayaa?. Waxaa wax iska caadi ah bulshadeenna dhexdeeda ka ah, haddii wiil iyo gabadh carruur ahi is dagaalaan halkii gabadha khaladkeeda la tusi lahaa, wiilkana sidoo kale loo sheegi lahaa in uu dagaalamo in ay khalad tahay ayaa afarta dhinac habro dhoobani waxa ay ku qaylinayaan "Alla wuu ceeboobay, gabadh buu gacan u qaaday. Waryaa ma waysan gabadhi kula dhalan?." İlmo 10 jir ahi sidee ayuu iskugu xirayaa xiriirka ka dhaxeeya gabadhaan uu la dagaalay iyo walaashiisa xaafadda joogta. Gabdhihii ayaguna sidoo kale waxa ay la qabsadeen arrinkaas ah gabadh weeye iyo yaan la taaban. Anigu uma...

4/20

MİYAAD GARANAYSAA WAX KA QAKSAN KEYDSİGA XASUUSAHA?!   Xasuustu waa waxa ugu qaalisan, uguna xanuunka badan waxa insaanku haysto. Xasuusashada maalmihii carruurnimo waxa ay leedahay dareen aan wax booskiisa gali kara weli dunida laga hindisin. Haddii maalmuhu ahaayeen kuwa xanuun badan kuwa aan lahayn naxariistii waalidnimo, kulaylkii laabta hooyo, daryeelkii iyo wax bixintii Aabbe xasuusta carruurnimo waxa ay noqonaysaa cudur aysan si kasta oo ay is kugu dayaan aysan dawayn karin dhakhaatiirta caalamka oo idil haddii ay isku yimaadaan. Miyay jiraan wax u dhigma cadarkii ka soo carfiyay gabadhii/wiilkii koowaad ee aad shukaansi ku la kulantid bilowgii qaangaarnimadaada soo weli boos kuma laha laabtaada sidii wax walbaa u dhacayeen qalbigaagana ma deggana oo deegaan ka ma samaysan ayada oo ay macquul tahay in qofkii cayn kaas ahaa aadan ogayn meel uu adduunka kaga sugan yahay wax rabitaan ahna aadan u hayn in aad ogaatid. Xasuustaada miyay ka go'aysaa maalin si arxan dar...

2/20

2/20 YAA U BAAHAN JACAYL MARKA UU LACAG HAYSTO?!. Foolxumaa jacaylku marka labada qof isku dhacaan. Haddana qurux badanaa marka xiisaha, carafta iyo saxansaxada rabitaanku dul wareegayso labo dareemaya in ay ayagu yihiin kuwa dunidaan u yimid in uu midkood ba kan kale hantiyo.   taleefankiisa ayay farriin gaaban balse macno wayn ku fadhida, farriin gacanta ay ka timid aan u lahayn macne ka sarreeya dareensii in aad heshay qof ka mudan isaga, balse qalbiga ay ku dhici doonto labo qeyb u kala dhanbali doonta, Farriin wiil jacaylka aaminsan weli, dareen xad dhaaf ah u haya tii koowaad ee uu indhaha ku furtay ka dhigi doonta in uu noqdo shabeel naagood dumarka sida shaarka iska ga beddala. Wiil qalbi nadiif ah leh ayay u rogi doontaa farriintaan yari mujrim aan wax aaminaad ah u hayn dunida waxa caqiidooyin yaalla. "Yaa u baahan jacayl marka uu lacag haysto?!." İn uu khalad akhriyay ayuu dhawr jeer ku shakiyay waase uu xaqiijiyay in su'aashu sidaas u dhigan tahay....

1/20

HAL HABEEN MİYAA WAX WALBA BEDDALAY ? Waan ogahay farriintaydaan waxa aad u masaxi doontaa sidii kuwii ka horreeyay adiga oo aan akhrin haddii aad akhriso se waxa aan ku leeyahay; Ma dareentay sababta aanan asbuuc dhan kuugu soo dirin farriin tanina ay tahay tii ugu horraysay oo aan muddo asbuuc ah kuu soo diro. Habeenkii ugu dambeeyay ee aan kuu soo diray farriintii boqolaad aniga oo isku dhex qasan, dhex fadhiya musqusha, biyaha qubaysku korka igaga socdaan, aan garanayn waxa noloshayda xaaladdaan foosha xun dhex galiyay ayaa hal ilbiriqsi gudihiis waxa aan dareemay neecaw qabow, waxa aan dareemay in wax qalbigayga xan-xantaynayaan. Gacanta ayaan inta laabta ku qabtay sidii aan qalbigayga oo dibadda usoo baxaya gudaha kula celinayo gacmahaygaas qabow, aniga oo luudaya ayaa waxa aan usoo dhaqaaqay dhanka qolkayga hurdada.  Sariirta ayaan jeego jeego u jiifsaday waxaa ogaal iigu dambaysay aniga oo daawanaya saqafka guriga. Ma ogi inta aan hurday ma saacad baa mise waa d...