Posts

Showing posts from October, 2021

ARAGTİDA QARAHA

  Hadda waxaa bilowday xilligii Gu'ga wadankaan aan joogana waxaa si badan usoo go'a miraha noocyadooda kala duwan, Anigu shakhsi ahaan waxa aan aad u jeclahay qaraha oo saddexdaan bilood waa saddexda bilood ee aanba ugu jeclahay sannadka haddii aan ku eego indhahaas qaraha jecel.  Maalin dhawayd ayaan qare wayn oo qurux badan soo gatay, sida aad wada ogtihiin qaraha korkiisa lagama garan karo heerka macaankiisu gaarsiisan yahay, si kasta oo aad ugu malaysid in aad mid bisil dooratayna haddii aad tahay qof sidayda oo kale marar badan gata waxa aad la kulmaysaa xilliyo badan oo mid aan bislayn una macaanayn sidii la rabay uu kugu soo beegmayo.  Xaafadda ayaan la imid qarihii waan kala jaray markii aan dhadhamiyay, qaruhu uma macaana sidii aan filayay oo ma gaarin heerkii macaankiisa oo dhami kuu dhadhamayay. Aad ayaan uga xumaaday qaraha aan bislayn ee aan soo qaatay, aniga oo mindidii haysta qarihiina kor taagan ayaa waxaa igu soo dhacday fikrad aan ugu magac daray falsaf...

XASUUS AAN TİRMAYN Q:2AAD

Ruux garasho dheer ayuu ahaaye wuu fahmay farriintayda anna kalmad ma oran waayo waa uu kacsanaa hadii aan hadal dhaho waan ogaa in uu sii xanaaqi doono aysanna ku habboonayn halkaani inaan u wada hadalno qaabkaas. Qaxwihii ayaa na loo keenay anigu kaygii durbaba wan cabbay, balse isagu waxa uu fiirinayay koobka isaga o ku dul fakaraya lama hadlin ee waa aan ka aamusay isaga oo xaaladdiisii ku jira.  Waxa aan isku mashquuliyay talefankaygii. cabbaar kadib ayuu istaagay oo yiri "Soo kac waan kacaynaaye!" "lakin qaxwahagi ma aad cabbin" ayan iri. igama hayso ayuu si kooban u yiri wuuna dhaqaaqay. Waan kasoo daba dhaqaaqay aniga oo shandadaydii garabka sii suranaya. Marka aan kasoo baxnay meeshii ayaan iri "Wax walba waxa ay ku wanaagsanyihiin marka wada hadal iyo isfahan lagu xalliyo lakin haddii qof walbaa buuqo isna xanaajiyo way adagtahay in xal la gaaro."  "Hadalkaagu wuu qurux badanyahay, lakin marka ay xaqiiqada joogto waxa aad tahay cagsiga waxa ...

XASUUS AAN TİRMAYN Q:1AAD

Saaka waxa aan soo toosay aniga oo leh, tolow maanta halkeed jaan iyo cidhib dhigi doontaa! xaggeed u dhaqaaqdaa oo aad kaga dhuumataa noloshan gurracan. Waxa aan dhex fadhiyaa qolkaygii oo aad mooddo in geel ku gal gashay, hortayda waxaa daadsan buugaag marka ishaadu qabataba aad ku fakaraysid, qof miyir qabaa ma akhriyin sidaas oo dhanna iskuguma dhex yaacin. Dhinaca kale waxaa daadsan maryo  markaad eegto aad ku shakiyaysid in meeshaan qof nooli degan yahay iyo in ay tahay xarun lagu hayo qof dhanka dhimirka ka jirran.  Waxa saas u galay qolkayga wax kale maaha ee waa aniga oo daqiiqado kahor raadinayay sawir aan isla galnay wiil noloshayda cutub wayn ku lahaa, balse maanta aanan meelna ku sheegin. waayitaankiisii waxaa iigu darsamay, waayitaanka xasuustii kali ahayd ee aan ka haystay taas oo ahayd sawirkaas aan maanta la'ahay.  Waxa ay ahayd 3 sano kahor markii koowaad ee aan kulannay. Waxa aan si kadis ah iskugu aragnay carwo aan alaab uga iibinayay caruur aan habary...

ALBAABKA İGU XİGA

 Waa markii koowaad oo aan dibadda uga soo baxayo gurigayga illaa iyo maalinkii aan soo galay aniga oo ooyaya ee asbuucyada kahor ahayd. Kama soo kaban kala tageennii, waa sababtaas sababta aan dhulyaalka u noqday, marka kaliya oo aan sariirta ka tooso waa marka uu albaabka igu soo garaaco ninka dalabka wada ee aan cunnada ka dirsaday, ma malaynaysaa hal waqti oo keli ah ayaan wax cunaa maalinka iyo habeenkaba waana marka aasku madoobaado. Caawa waxaa jiray aroos aad oo loo agaasimay oo ka dhacayay guryihii naga hooseeyay ee xaafadayda ka qabanayay dhanka galbeedka. Ma xasuusataa habeenkii aad i tiri "Marka aan ku guursado, waxa aan dagaynaa guri noocaas oo kale ah, sidoo kale ma xasuusataa waxa aad tiri aniga ayaa gacantayda ku rinjiyayna marka aan ku waydiiyay sababta waxa aad igu tiri waxa aan rabaa in marwalba oo aad darbiga eegto aad aragto farshaxankayga iyo qoraalada aan kuugu xardhi doono, sidaasna uu gurigeennu ku noqdo mid aadan u ogolaan in ay soo booqato cid aan aniga ...

HA AKHRİN HADDİİ AAD QOF WANAAGSAN TAHAY

Waxa aan dareemayaa in aan waalanahay, wax walba oo hareerahayga ka jirana ay sabab u yihiin waalidayda. waxa aan hubaa in aaminitaanka in aad fiyowdahay ay tahayba bilowga waallida. U haysashada in waalidaadu tahay caafimaad qabkaagana ay tahay bilowga fiyoobida. way adagtahay in aan kaa dhaadhiciyo in aniga noloshaydu wax badan ka xiiso iyo xallad badan tahay adiga taada, waayo adiga noloshaadu malahan wax lagu madadaasho waxa aad iska ilaalisaa in dadku wax khaldan kugu arkaan, waxa aad u nooshahay in aad ayaga ka dhaadhiciso in aad qof wanaagsan tahay, balse aniga noloshaydu waxa ayba ku dhisantahay in bini'aadamka laga soo qaado xarashaad agagaarkayga war-wareegaya wax uga xiran arrimaha noloshaydana aysan jirin. Adigu waxa aad iska ilaalisaa xumaha, runta haddii aan sheegase xumaha iskama dhowrtide ayaga indhahooda ayaad iska qarisaa. Aniguse waxa aan sameeyaa taas caksigeeda wajiga ayaan ka saaraa heerka xumahaygu gaarsiisanyahay waxa ayna iga ag dhaqaaqaan ayaga oo ashahaad...