ARAGTİDA QARAHA
Hadda waxaa bilowday xilligii Gu'ga wadankaan aan joogana waxaa si badan usoo go'a miraha noocyadooda kala duwan, Anigu shakhsi ahaan waxa aan aad u jeclahay qaraha oo saddexdaan bilood waa saddexda bilood ee aanba ugu jeclahay sannadka haddii aan ku eego indhahaas qaraha jecel.
Maalin dhawayd ayaan qare wayn oo qurux badan soo gatay, sida aad wada ogtihiin qaraha korkiisa lagama garan karo heerka macaankiisu gaarsiisan yahay, si kasta oo aad ugu malaysid in aad mid bisil dooratayna haddii aad tahay qof sidayda oo kale marar badan gata waxa aad la kulmaysaa xilliyo badan oo mid aan bislayn una macaanayn sidii la rabay uu kugu soo beegmayo.
Xaafadda ayaan la imid qarihii waan kala jaray markii aan dhadhamiyay, qaruhu uma macaana sidii aan filayay oo ma gaarin heerkii macaankiisa oo dhami kuu dhadhamayay. Aad ayaan uga xumaaday qaraha aan bislayn ee aan soo qaatay, aniga oo mindidii haysta qarihiina kor taagan ayaa waxaa igu soo dhacday fikrad aan ugu magac daray falsafadda QARIHII CEERIINKA AHAA. waxa aan soo qaatay saxan waxa aan ku jarjaray qarihii waxa aana korka kaga shubay shukulaato madow oo ii taallay. saxan kale oo yar ayaan soo qaaday waxa aan kor saaray qayb qarihii kamid ah oo aan jarjaray korka ayaan kaga daray cusbo yar iyo xoogaa sonkor budo ah. qayb kale oo qarihii kamid ahna inta aan ku daray noocyo kale oo miro ah ayaan isku shiiday ayaga oo cabitaan ahna waxa aan gashaday talaagadda.
Miiskayga wax akhriska ayaan la soo fariistay labadii saxan ee aan soo qaaday aniga oo isku dhadhaminaya kan macaan ee aan ka helay. labadoodiiba waa aan ka helay oo wax la naco ma arag. Daqiiqado gudahood ayaan is arkay aniga oo ku xalliyay mushkilad yar oo aan ka caban kari lahaa, ka warran haddii aan ka niyad jabi lahaa qaraha oo dhan oo aan dhihi lahaa wax qurun ah oo ceeriin ah bay iga soo gadeen iskana dayn lahaa.
Labo shay ayaa ii ga soo baxay falsafadda qaraha ceeriinka ah tan koowaad haddii aan ku hormaro waxa ay tahay in nolosheenna ay naga hor imaanayaan caqabado yaryar oo tiro badan, haddii xal loo raadiyo ayada oo aan la eegayn caqabadda meesha timid waxa aan hubaa in wax walba oo dunida yaalla xal loo helayo. tan labaad ayaase ila sii muhiimsane waxaa meesha iiga soo baxday in bini'aadamku yahay sida qarahaas qolofta wayni ku dahaaran tahay kuligiisna isku eg. ma ogaan kartid kan u bisil sidii diyaarka u ahayd in aad ku cuntid sidiisa iyo kan farshaxamaynta raba.
Tusaale ahaan Haddii aad qof jeclaatid oo aad nolol la wadaagtid qofkiina uu kugu noqdo sida qarahaas oo aad meeshii kala kulantid wax aadan kusoo talo galin miyaysan wanaagsanayn in aad isticmaasho fikradaan oo aad miiska soo saarato waxyaabaha aad ka badali kartid. kama wado meeshaan baddalka in aad isku daydid in aad qofka baddashid ee waxa aan uga dan leeyahay in aad eegtid kala doorashooyinka kale ee kuu furan aadan soo fariisan adiga oo niyad jabsan kana cabanaya in aad ku khasaartay qofkaan. tusaale haddii aan ku siiyana waxa aad guursatay/isjeclaateen qof aad ku qanacday hab dhaqankiisa, wax walba oo qofkaas ku saabsan waa aad la dhacday. qofkii marka uu noloshaadii si fiican usoo dhex galay baad waxaad ogaatay in uu yahay shakhsi aan dareenkiisa kuugu soo bandhigayn sida aad rabtid adigu waxa aad tahay qof jecel in marwalba loo sheego lana tuso sida loo jecel yahay balse isagu sidaas maaha oo marmar dhifa ayaa laga yaabaa in ay afkiisa kasoo baxdo in uu ku jecel yahay, sida kalase waa 100% ma waxa aad raadsanaysaa qof cusub mise waxa aad raadinaysaa hab cusub oo aad ku wadaagtaan dareenkiinna si labadiinuba farxad u heshaan.
Tusaale labaad haddii aan ku siiyo shakhsi aad u firfircoon subaxdii xilli hore kaca hurdadiisuna aysan badnayn ayaa waxaa kusoo beegmay qof hurdada u haya jacayl badan, waqti badanna hurda. hurdadiisu wax dhibaato ah kuma hayso wada-joogooda oo qofkaani waa qofkii ugu mudnaa dhankastana waa uu ka cajibiyay balse qofka kale madama uu xilli hore kaco waxa uu doorbidi lahaa qof la kaca waqtigaas lana wadaaga dareenkaas uu isagu dareemayo ee firfircoonida kalahaadda waaberiga ah. haddaba qofkaan maxaa la gudboon ma inuu tago oo uu raadsado qof waaberiga la kallaha balse waxyaabo badan uusan ka helayn mise in uu raadiyo habab kale oo ay dareenkooda ku wadaagi karaan ayaga oo qof walbaa u nool yahay sida uu jecelyahay kuna raaxaysanayo nolol maalmeedkiisa.
Qoraalkaani dhiirigalin uma aha in qof xun oo kugula dhaqmaya dhaqamo aadan jeclayn aad cudurdaar u raadiso adiga oo is oranaya waad xallin kartaa. I aamin qaruhu haddii uu boog lahaan lahaa waan tuuri lahaa.
03.06.2021
Turkey
W/Q: Fadumo M. Alimaad
Aad iyo aad waxad mudan tahay dhiri gelin waxa kale aan ka fahmay ayaa ah in muhimada aadan sarin caqabada oo kaliya tusaale hadii caqabad aad darento in aadan iska oran caqabaf noocaas ah baa i haysata ee waa in aad radisaa habab kale aad ku xalin karto ama aad ku yarayn karto caqabadaas ta kale waxay tahay in aad is barbar dhigtid shaygan inta aad ka helaysid oo faaido ah iyo inta qasaare aad kala kulmaysid
ReplyDeleteGrazie fadumo ( thnk u)