ALBAABKA İGU XİGA
Waa markii koowaad oo aan dibadda uga soo baxayo gurigayga illaa iyo maalinkii aan soo galay aniga oo ooyaya ee asbuucyada kahor ahayd. Kama soo kaban kala tageennii, waa sababtaas sababta aan dhulyaalka u noqday, marka kaliya oo aan sariirta ka tooso waa marka uu albaabka igu soo garaaco ninka dalabka wada ee aan cunnada ka dirsaday, ma malaynaysaa hal waqti oo keli ah ayaan wax cunaa maalinka iyo habeenkaba waana marka aasku madoobaado. Caawa waxaa jiray aroos aad oo loo agaasimay oo ka dhacayay guryihii naga hooseeyay ee xaafadayda ka qabanayay dhanka galbeedka. Ma xasuusataa habeenkii aad i tiri "Marka aan ku guursado, waxa aan dagaynaa guri noocaas oo kale ah, sidoo kale ma xasuusataa waxa aad tiri aniga ayaa gacantayda ku rinjiyayna marka aan ku waydiiyay sababta waxa aad igu tiri waxa aan rabaa in marwalba oo aad darbiga eegto aad aragto farshaxankayga iyo qoraalada aan kuugu xardhi doono, sidaasna uu gurigeennu ku noqdo mid aadan u ogolaan in ay soo booqato cid aan aniga ahayni."
Gurigii saas ahaa ayaa caawa waxaa ka jiray aroos. Aniga oo sariirta dul aalla, indhaha isku haya haddana qalbiga kasoo jeeda ayay samada u rideen bulolayr aad u tiro badan, shanqartii iyo iftiinkii ayaa daaqadayda kasoo galay. halmar ayaan anigii oo dhan samada u booday, waxa ay ila noqotay sidii in culays iga fududaaday, daaqadda ayaan qoorta ka ritay, oo cabbaar daawaday mashxaradda iyo alalaaska loo samaynayo gabadha asaagayga ah. Sideedaba aniga aroosku maaha waxa ugu wayn ee aan ku riyoodo haddana marka aan arko gabadh sidaas quruxda badan u guursanaysa, rajo ayaa i gasha, waxa aan is iraahdaa malaga yaabaa midka aad jamatay in aad nasiibkaas oo kale ku hesho, haddana waxa aan iraahdaa Fuck! macquul maaha sababta oo ah kii kali ahaa ee aad indhawaydba ku tashanaysay waa isaga cidlada kaaga dhaqaaqay. Waa isaga ku khiyaamay oo isaga oo sariirtaada imaanaya haddana kasoo kacayay sariirta naag kale.
Xoogaa markii aan daawanayay mashxaradda ayaan shanqar ka maqlay albaabka dhankiisa, waxa aan u malaynayay in uu ninkii cuntada ii waday yimid. Haddii aan albaabkii furay, waxaa albaabka gurigiisa furanaya wiilka deganaa albaabka keenna kasoo horjeeda. Ma xasuusataa habeenkii isaga oo indhuhu ka gaduudan yihiin, isaga oo jaranjarada soo fuulaya annaguna aan sii daganaynay ee uu garabka kugu dhuftay, kadibna adiga oo yaabban aad tiri "Ninku miyuu xanuunsanayaa, muxuu iigu dhacay haddana ii dhaafay isaga oo aan i raalli-gelin." Habeenkaas intii aan jaranjarada ka deganaynay oo dhan waxa aan iswaydiinayay, maxay tahay sababta uu sidaas ula bahdilnaa? maxaa illaa xadkaas ka xanaajiyay? ma garanayo sababta aan sidaas oo dhan isugu sii mashquuliyay arrimihiisa.
Marka uu arkay in aan albaabkayga furay, ayuu inta ii dhoola-caddeeyay i yiri "İga raalli noqo shanqar aanan ku talo gelin ayaan sameeyay." Aniga oo ka caraysan ayaan iri "Mardambe sidaas oo kale ha u sharqamin" Ma aqaan sababta aan ugu hadlay sida islaan waayeel ah oo aan derisnimada waxba ka aqoon. İsaga oo aad u yaabban ayuu i yiri "Markale iga raali noqo." uma jawaabine albaabkii ayaan ka xirtay. Waan murugaysnaa oo waxa aan iska soo fariistay fadhiga qolka. Xoogaa baan ku dheygagsanaa daaqadda oo ay kasoo galaysay shanqarta muusigga iyo alalaaska guriga nagu dhaggan. Markale ayaan iswaydiiyay, sababta uu ninkii cunnada ii waday usoo daahay. qolka ayaan hadba dhan ka fariistay, gaajo badan oo i haysay awgeed waan adkaysan kari waayay markaas baan goostay in aan dibada u baxo oo aan xoogaa soo warwareego, ninka cunnadu haddii uu yimaado albaabkayga ayuu ii suri lahaaye.
Waxa aan u luuday dhanka katabaanka, waxa aan soo qaatay jaakadaydii madoobayd, ma xasuusataa sidii aad u necbayd marka aan xirto, markasta waxa aad ka doorbidi jirtay midda qaxwaha ah. Jaakadda intii aan gashanayay, hadba far ayaan qaadayay sidii qof dil ku xukuman, iskuna dayaya in uu waqtiga istaajiyo, daqiiqado noloshiisa ahna ku kordhiyo, dhaq-dhaqaaqiisaas uu xabbisayo. Maskaxdayda waxaa dib ugu soo noqnoqonaysay, maalinkii aan gurigaan soo degay ee bilaha kahor ahayd, waxaan xasuustaa sidii aan ugu qanacsanaa, sidii aan u rabay, uguna faraxsanaa nolosha cusub ee aan wada bilaabayno. Waxaa kale oo aan sidii shaashadda u daawanayay markii aan aniga oo qoslaya rabana in aan taleefankaaga kaa tuso wax qosol ah oo uu soo share gareeyay wiil aad asxaab ahaydeen ay sida degdegga ah usoo dhacday farriintii Veronica ee ahayd GACALİYE WAX WALBA WAAN DİYAARİYAY, WAAN NOO KİREEYAY HUTEELKİİ KALİYA WAXA AAN SUGAYAA İMAATİNKAAGA.
İntaan qayliyay ayaan ku waydiiyay, waxa ay tahay naagtani. Afkaaga ayaan dhawrayay aniga oo sugaya bal inaad i dhahdo wax i yiraahda sida aad u malaysay waa been. Maxaan ka sugayay inaad beeniso waxa cad ee aan indhahayga ku arkayo!. Marka aad aragtay sida xaal yahay xataa iskuma aad dayin inaad ii sheegto in waxani khalad ku dhaceen, inaad ka xuntahay, iyo in aad dib ka saxayso. Kaliya waxaad ku gaabsatay waa gabadh aan dhawr bil kahor bartay. kalsooni badnidaa sidee ayaad ugu dhiirratay inaad sidaas cad oo aan ka gabbashada lahayn xaqiiqada indhaha iiga saarto.
Sariirteenna sidii aan naxdin iyo u qaadan waa darti ugu dul dhacay habeenkii ayaan illaa caawa u dulsaarnaa. mase garanayo caawa niyadaydu waxa ay ileedahay waxa aad samayn doontaa wax aadan horay u samayn, waxa aad khiyaami doontaa dareenka beenta ah ee qalbiga kuugu jira. Aniga oo sidaas iskula faqaya ayaa albaabkii lasoo garaacay, waxa aan is iri allaylehe cunnadii baa kuu timid, uma baahnid inaad baxdo.
Ma taqaanaa yaan albaabka ka furay, waa wiilkii deganaa albaabka igu xiga, waxa uu waday saxan macmacaan iyo buskud ah. Waxa aan waydiiyay aniga oo ku eegaya indho ka khafiifsan kuwii hore waxa uu yahay saxanku. Waxa uu i yiri "Hooyaday oo deggan tuulo ayaan asbuuca dhamaadkiisa booqdaa, waxa aan aadaa jimcaha caawa oo kale oo axad soo galaysana waan kasoo laabtaa, ayada ayaa iisoo samaysa maalin walba anna waxa aan iska cunaa inta asbuuca lagu guda jiro." Kadib ayaan iri aniga oo indho yaab leh ku eegaya kana khajilaya waxa niyadayda kusoo dhacay. Ma garanaysaa waxa niyadayda kusoo dhacay?!.
İnkasta oo gurigaygu isku dhex qasnaa haddana waan ku casuumay fadhiga ayaan fariisiyay, markaas buu i yiri "Muddo ayaan deris nahay, awal waxa aan marwalba arki jiray ayada oo uu kuu imaanayso saaxiibkaa. Ma khaldani oo saaxiibkaa buu ahaa soo maaha? intaan qoslay ayaan iri AHAAN JİRAY. İntuu iga daba qoslay ayuu yiri AHAAN JİRAY. Fadhiga dhinaca uu fadhiyo maahane dhinaca kale ayaan ka fadhiyay, xoogaa haddii aan daawanayay hadalkiisa aniga oo la yaabban, waxa isku aadiyay arooska hurdada iga kiciyay iyo laylatul khadarka guriga ii soo galay ayuu damcay inuu ii sheego in uusan saaxiibad lahayn, isaga oo hadalka ku bilaabaya "Habeen ma aqaan inaad xasuusatide aan jaranjarada isku soo dhaafnay adiga iyo saaxiibkaa habeenkaas ayay........ intii uusan hadalka dhamayn ayaan inta kusoo durkay afka afka u saaray. Waan shumiyay sidii in aan adiga kaa aargoosanayo. Sidii in aan is illowsiinayo xumaantaadii, sidii in aan isaga uga aargoynayo naagta bahdishay ee ka oohisay kuna kalliftay inuu arki waayo halka uu cagta dhigayo. Waxa aan shuminayay shumis aan adiga ayada iyo kuwo wax khiyaama oo dhan uga aargudanayo. Kadib aayar aayar ayuu gacantiisa inta u qaaday hoos galiyay surweelkayga, halkaas marka uu marayay ayaa ninkii cuntada waday albaabka soo garaacay, cod dheer baan ugu iri "Albaabka ii sur aniga ayaa qaadanaya e." Marka aan ninkii cuntada la hadlay kadib, ayuu hakaday, inta indhaha indhaha ii saaray i yiri "Ma hubtaa? Ma kaa soo go'day? İntaan si macaansi ah bushunta uga qaniinay gacantiisiina gacantayda korsaaray ayaan iri "İnta aan jiritaankayga hubo ka badan ayaan hubaa in aan rabo." Waan soo kacnay oo sariirtaydii ayaan nimid. Sariirtii markii ugu dambaysay aad iga tagtay adiga oo naag kale iga aaday, adiga oo ay waliba huteel kuugu ballansanayd, inkasta oo ay ahayd asbuucyo kadib haddana waxaa dhacay wixii ay ahayd inay dhacaan habeenkii aad naagta iga raacday. Hadda waxa aan joogaa sariirtayda, waxa aan samaynayaa wixii aan adiga kula samayn jiray iyo dheeraad. Sawirkaagii xasuustayda ku jiray waxa uu u tirtirmayaa ilbiriqsi ilbiriqsi, markasta oo uu gacantiisa jidhkayga ku taabto waxaa dhumaya qeyb kamid ah adiga xasuusahaagii, jiritaankaagii iyo magacaaagii!.
Qiso yaab leh oo dhacda inta badan bun hadii la waayo bedelkiisa la helaa
ReplyDelete