Waxa aan dareemayaa in aan waalanahay, wax walba oo hareerahayga ka jirana ay sabab u yihiin waalidayda.
waxa aan hubaa in aaminitaanka in aad fiyowdahay ay tahayba bilowga waallida. U haysashada in waalidaadu tahay caafimaad qabkaagana ay tahay bilowga fiyoobida. way adagtahay in aan kaa dhaadhiciyo in aniga noloshaydu wax badan ka xiiso iyo xallad badan tahay adiga taada, waayo adiga noloshaadu malahan wax lagu madadaasho waxa aad iska ilaalisaa in dadku wax khaldan kugu arkaan, waxa aad u nooshahay in aad ayaga ka dhaadhiciso in aad qof wanaagsan tahay, balse aniga noloshaydu waxa ayba ku dhisantahay in bini'aadamka laga soo qaado xarashaad agagaarkayga war-wareegaya wax uga xiran arrimaha noloshaydana aysan jirin.
Adigu waxa aad iska ilaalisaa xumaha, runta haddii aan sheegase xumaha iskama dhowrtide ayaga indhahooda ayaad iska qarisaa. Aniguse waxa aan sameeyaa taas caksigeeda wajiga ayaan ka saaraa heerka xumahaygu gaarsiisanyahay waxa ayna iga ag dhaqaaqaan ayaga oo ashahaado iyo cawdubillaysi isku daraya aniguse wax dan ah miyaan ka leeyahay ayaga iska naaridooda waa MAYA waayo waa hore ayaan tuuray shaarka ah in aan dadka ka qariyo xumahayga.
Haddii aad hadda si daacad ah iigu warranto adiga oo aan ka baqayn in cidi ku xukmiso, waxa aan hubaa in dambigaaga naartu ilaahay ka magangali lahayd. İntii aad iska matali lahayd mid ka daahirsan wax walba oo dunida korkeeda yaala maxaa kaa hortaagan in aad qirato in adiga iyo ibliiska haddii la idin tartansiiyo aad adigu xumaha baro dheer tahay.
Waxa aan dareemayaa in aan wasakhaysanahay, waa aan ka fogaadaa in aan dadka daahirka iska dhiga agtooda tago sidaas si lamid ah caruurta yaryar waa aan iska dhowraa oo waxa aan ka baqaa in ay xumaantaydaasi saamayso barrina aniga la igu eedeeyo in aan khalkhal galiyay daahirnimadoodii.
İndhaha ayaad si wayn u kala haysaa, adiga oo la yaaban illaa iyo xadka aan ku aqaano munaafaqnimadaada. waxba ha nixin anigu adiga munaafaqnimadaada si gooni ah uma ogi balse waxa aan hubaa in haddii aan bashar nahay dunida guudkeeda aysan saarnayn wax wasakhaysan heerka aan wasakhaysannahay.
Ayada codkeeda marka aad maqashid waxa aad bilowdaa in aad sawiratid waxyaabo aadan qiran karin in aad doonayso in aad ayada ku samayso, balse marka aad ayada la hadlayso waxa aad marwalba ku celcelisaa sida ay u wanaagsantahay in aan salaada laga tagin maalin maalmaha kamid ahna aad rabtid in aad si xalaal ah u guursato, waa kee hadde miyaanan anigu kuu sheegin in aysan daqiiqad joogteen agtaada haddii ay ogtahay fikradahaaga wasakhaysan se maxaad ka qaban kartaa haddii aad u qirato ujeedadaada dhabta ah waa ay kaa dhaqaaqaysaa ayada oo dariska ugu sheekaynaysa in aad wax dulli ah tahay markaa waa aad ku saxantahay tan waa aan kuu qirayaa in aad saxan tahay ee sidaas ku soco.
Adigu gabareey maxaad marwalba ugu celcelisaa in aad xijaaban tahay, maxaad meel walba ugu soo qorataa in xijaabku quruxdaada yahay. waa adiga taleefankaaga marka la eego waxa ku jiraa oo dhan ay yihiin sawiradaada oo qaawan maxaadan ugu dhiiran karin in aad tiraahdid ma doonayo in aan xijaabto haddii aad la cajabsantahay quruxdaada doonaysidna in aad tustid dhamaan wiilasha aad taqaano.
Maxaad isugu khasbaysaa wax aan fikirkaaga ka imaan adiga oo doonaya in aad qanciso waalidkaa, miyaysan kaaga filnayn in aad tiraahdo iguma socoto aniga taladaada gabowga ahi waxa aan noolahay xilli casri ah waxa aana rabaa in aan u noolaado sida aan ku riyoonayo miyaysan taasi kaaga fududayn in aad ayaga been ku qanciso adiguna naftaada aad khiyaantid.
Waan ogahay oo xaaskaaga waad necebtahay waxa aad marwalba ka shallaydaa halkii aad u jeeday maalinkii aad ayada guursanaysay wax walba oo khayaalkaaga ku sawirnaa ayada waa aad ka wayday waxba kama fahamsana ay nolosha aad adigu rabto ayadu waxa ay doonaysaa in ay cunno fiican kuu kariso, kula joogto waqti wanaagsana ay kula qaato balse adiga ujeedkii aad u guursatay sidaas ma ahayn waxa aad rabtay nolol u eg tan aad filimada anshax xumada ah aad ka daawatay dhibtuse waxa ay ka taagantahay sidee ayaad ugu qancinaysaa in aad waxyaabo noocaas ah rabtay ujeedka aad usoo guursatayna uu sidaas ahaa marka ay kuu haysato wiil wanaagsan diinta ku ad-adag doonayana in uu dhalo carruur saalixiin ah barrina u gargaara diinta iyo dadka.
Adiguna waa aad rabtaa wiilka aad la sheekaysatid in aad u sheegtid dareenkaaga waxa aad doonaysaa in aad la wadaagto wax walba oo qalbigaaga ku jira sida waalida ah ee aad u doonayso in uu kuula kulmo mar uuna uu jirkaaga taabto sideese ayay macquul ku tahay in aad sidaas samayso marka uu kuu haysto in aad tahay gabadh sharaf badan ,akhlaaq iyo wanaagna lagu soo koriyay. inta aad ka tanaasushid dhaqanka iyo malaha uu isagu kaa qaadan doono ma kala hadli kartaa xaqiiqada iyo sida aad doonayso waa maya oo waxa aad isku dhex qarinaysaa dahaarka hiddaha iyo dhaqanka wanaagsan. waa aanse kugu raacsanahay oo ha samayn sidaas ahow gabadhaada anshaxa wanaagsan waayo wiilashaani ma doonayaan qofka runta kala hadla waxa uu meel walba la taagnaan doonaa illaa iyo heerka aad tahay dhillo suuqa gashay.
Adigu marwalba waxa aad tiraahdaa ninka hal naag ayaa ku filan ma doonayo in ninkaygu naag kale ila guursado balse ilaahay oo kaliya ayaa og heerka maskaxdaada iyo caqligaaguba is waydiinayaan habeen walba marka aad sariirta kaligaa hurudo adiga oo aan qanacsanayn "sababta dumarka loogu bannayn waayay in ay labo nin guursadaan?" miyaad awoodaa in aad qeexdo waxa maankaaga ka guuxaya waa maya sidaas darteed annaga oo dhan waxa aan nahay ruux maskaxdiisa iyo caqligiisuba wasakhaysan yahay, marka u noolow sida aad u nooshahay oo qarso xumahaaga iyo waxwalba oo niyadaada ku jira waayo haddii kaligaa aad iska furto maaskarada wajiga kuugu xiran waxa aad noqonaysaa tuke cambaar leh oo dadka dhex taagan sidaas daraadeed kulligeen aan ahaano malaa'ig camalka ibliiska leh.
Haddii aad dhamaadka soo gaartay waa aan hubaa oo waxa aad isleedahay maxay ka wadaa waxaan oo edeb darro ah?. edeb darro igama aha ee xaqiiqadeena ayaan ogahay sidaas daraadeed ayaan warkaan oo dhan kuugu sheegay miyaananse kuu digin bilowgii oo aanan ku oran ha akhrin qoraalkaan haddii aad qof wanaagsan isku haysato waa maxay isla yaabida aad hadda bilowday miyaynaan kulligeen ahayn kuwo wada xun?!.
Runtii waayo aragnimada waa loo kala dhashaa runtuna waa kharaartahay
ReplyDeleteIlahey maskaxda hakuu ilaaliyo qaaliyey
ReplyDeleteBarakow
ReplyDeleteHaa waa runtaada dhamanteen wax aan nahay dad xun 😁
ReplyDeleteIlaaahay hadaad xumaantaada kala xishoon waydo ma jirto sabab aad dadka ugala xishooto ama uga qariso.
ReplyDeleteBlog-ga midabka madawga ah ee background ka waxaa fiicnaan lahayd cadaan inuu noqdo, theme ka madow in wax lagu dhex akhriyaa aadbay u adagtahay.
Mahadsanid.
War cadaaday, dadku runta in la sheego ma jecla waase in lagu cel celiyo
ReplyDeletehayaay
ReplyDeleteRun sheeg waa ceeb sheeg somali horaa ka maah maah'day
ReplyDeleteXaqiiqada ayaad ka hadashay , runtu qadhaadhaa.🙄😊
ReplyDeletegalab kala ayaan ku laabtay waxaan ka helay Sheekada sida qurux badan ee aad isugu guntatay, haa waa run waxaan anahay dad wada wasakhaysan dhamaanteen . Waxaan is weydiiyey tolow xijaabka Somalia laga xirto asigana diin miyaa loo wataa mise dhaqan waa yaab in dhaheygu waxay qabteen gabdho kolka ay dalkii ka yimaadaan oranaya iga wuu I dhibayee.!?
ReplyDeleteAadanuhu sina isuma ahaadaan, waxay matalaan shakhsiyad aan tooda ahayn.
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteCaawa qormooyinkaaga ayaan la caweeyay ilaa gacalisadaydii (hurdo) ay ii timid. Mahadsanid.
ReplyDelete