Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Filimadu waa sida muraayad oo kale, waxa ay ina tusaan xaqiiqooyin aad u xanuun badan, kuwaas oo laga yaabo in aan jeclaan lahayn in aan iska indho-tirno. Muuqaalkaan aan wada daawannay wuxuu xasuusin u yahay sida filimadu aysan kaliya u ahayn madadaalo, balse ay yihiin aalad xoog badan oo lagu muujiyo xanuunka taariikhda, lagu kiciyo dareenka bulshada, laguna hogaamiyo doodo qoto dheer. (Hotel Rwanda: The hutu arrive scene)

Filimada aan daawanno ma ahan oo kaliya sheekooyin, ama madadaalo, waa aalad dib u qaabayn karta aragtideenna, waxay furi karaan indhahayaga, waxayna xitaa beddeli karaan sida aan u fahamno dunida nagu xeeran.

Hotel Rwanda (2004): oo la sameeyay 10 sano kadib xasuuqii foosha xumaa ee Rwanda ka dhacay ayaa ah Markhaati Taariikheed oo cid walbaa dib u daalacan karto. 

Filimkaan  waxa uu xambaarsan yahay xusuus kharaar oo taariikhda ah. Wuxuu dib noogu celinayaa xasuuqii Rwanda ee 1994, wuxuuna ina tusayaa sida hal qof – Paul Rusesabagina – uu u noqday badbaadiye, isagoo adeegsanaya xeelad, geesinimo, iyo maskax-furnaan leh Laakiin su’aashu waxa ay tahay: 

Waa maxay sababta filimadu muhiim ugu yihiin in la xasuusto taariikhda?

Haddii aan sheekooyinkaan la duubin, xasuusta dadka way ka  sii dabar go’i lahaayeen. Filimada noocaan ah waxa ay keenaan su’aalo qoto dheer: 

Maxaan ka barannay ? Sideen uga hortagi karnaa  in taariikh isku mid ah dib isku qorto?

Waxa aan u gudbaynaa film ka labaad oo Tusaale nool u ah, sida ka la duwanaanta bulsho ee dhaqan iyo dhaqaale loogu muujin karo film xaqiiqada ka ag dhaw. 

A Separation (2011): waxa uu iftiiminayaa Xaqiiqada nolol maalmeedka iyo Murugada Qoyska

aan eegno filim kaan, oo si wayn uga duwan Hotel Rwanda, haddana leh awood la mid ah – A Separation oo uu sameeyay Asghar Farhadi.

Halkaan, sheekadu ma ahan mid dagaal ama xasuuq ka sheekaynaysa. Waxa ay ku saabsan tahay qoys laba daran kala dooranaya: in ay dalka ku sii nagaadaan ama inay u hayaamaan nolol fiican. Waa filim aad u qoto dheer oo na tusaya sida duruufaha bani'aadamka u adkaan karaan, xitaa marka dagaal uusan jirin.

Hotel Rwanda wuxuu inoo muujinayaa burburka bulsho wayn, halka A Separation uu diiradda saarayo burburka qoys yar. Laakiin su’aashu waa: 

Maxay tahay sababta sheekooyinkaan noocaas ah ay u taabanayaan dareenkeenna?

Aan wada daawanno muuqaalka uu film ku ku bilaabanayo oo soconaya ugu badnaan saddex daqiiqo. (The opening Scene of A Separation) 

Kadib daawashada Muuqaalka? 

Maxaad ka dareentay muuqaalkaan? Yaa saxan? Yaa khaldan? 

Waa su’aal adag, sax? Sababta oo ah, filimku xataa na ma siinayo jawaab cad. A Separation ma ahan sheeko cad oo qofkii wanaagsanaa iyo kii xumaa la kala garanayo. Taa beddelkeeda, waxay muujinaysaa xaqiiqo nololeed: dad isku wanaagsan oo nolosha iyo duruufuhu kala fogaynayaan. 

Sheekada filimkani waxa ay bilaabatay iyadoo labo qof—Simin iyo Nader—ay hor fadhiyaan garsoore. Mid walba wuxuu leeyahay sabab sharci ah oo uu furriinka  u doonayo. Laakiin su’aasha dhabta ah ma ahan sharci. Waa arrin ka xeel dheer bulshada oo dhanna taabanaysa. 

Xiriirka ka dhaxeeya Filimaanta iyo Xaqiiqada noloshada haddii aan ka hadalno; 

Kaba soo qaad Haddii aad filimkan ku daawatid meel aan xukun sharci ah la ga garanaynin—iyada oo aan laguu sheegin cidda saxan—waxaad arki doontaa sheeko ka tarjumaysa nolol maalmeedka caadiga ah ee dad badan. 

 • Simin ma rabto in gabadheeda ku korto xaalada Iran, markaa waxay rabtaa inay dalka ka tagto.

 • Nader sababta uu u diidayo in uu dalka ka tago waa mid cad, maxaa yeelay aabihiis oo waayeel ah, sidoo kalana  xanuunsan oo qaba cudurka Alzheimer ka ayaa u ga baahan daryeel iyo xannaanayn. 

 • Labadooduba waa dad wanaagsan, laakiin waxa ay iskugu dhaceen sababo aysan si fudud ugu heshiin karin.

Filimkaan  wuxuu ina tusayaa in mararka qaar dhibaatada ugu weyn aysan ahayn qof xun iyo qof wanaagsan, ee ay tahay xaalad adag oo ay adag tahay in xal laga gaaro.

Maxay Tani Bulshadeena Ka Taabaneysaa?

Filimkaani waa sheeko ku saabsan qoys burburaya, laakiin dhab ahaantii wuxuu tusaale u yahay arrin aad u wayn, Sidee ayay bulshadeenu u wajahdaa kala duwanaanshaha? Sidee ayay nolosha qoysasku u kala dhantaalmaysaa marka duruufaha adagi yimaadaan? Bal sawiro inta qoys oo soomaali ah oo la ga yaabo in ay u kala tageen duruufo lamid ah tan uu filim ku ka hadlayo. 

Waxaa laga yaabaa in aad taqaan dad la kulmay xaalad la mid ah, dad kala fogaaday sababo la xiriira go’aanno nololeed, dhaqameed, ama xitaa dhaqaale.

Su’aal furan:

Haddii aad ahaan lahayd garsooraha, maxaad sameyn lahayd? Go’aan noocee ah ayaad gaari lahayd? 

Filimadu waxay awood u leeyihiin in ay inaga dhigaan markhaatiyo. Waxa ay fursad inoo siinayaan in aynu dareenno xanuunka, dhibaatada, iyo kala qaybsanaanta ay dadka kale la kulmaan. Taasi waa awoodda sheeko samaynta in ay naga dhigto dad kale muddo kooban, oo aan gashanno kabaha dad aynaan noloshooda ku noolaan. 

My Favorite Cake (2024): Waa tusaale kale oo aan u isticmaali karno sida Filimadu sawir dhab ah uga bixiyaan xaaladda bulshada. 

Sheekadani waxay ku saabsan tahay  tahay islaan waayeel ah oo la halgamaysa dareenkeeda kalinimo, oo isku dayaysa in ay  dib u hesho xorriyad ay lumisay muddo dheer. Waa filim lagu muujinayo sida waqti dheer ay bulshooyinku u xaddidayeen xorriyadda dumarka, inkasta oo ay wax badan is beddeleen hadda oo aan la oran karin nolosha dumarka Iran waa middii ay ahayd sanooyin kahor. 

Waa maxay sababta filimada noocaan ah muhiim ugu yihiin bulshada? 

Sababtoo ah waxa ay jebinayaan fikirka ah in sheekooyinka dumarka, gaar ahaan kuwa da’da weyn, aysan mudnayn in la sheego. Badanaa filimadu wax ay diiradda saaraan in ay muujiyaan sheekooyinka dhalinyarada dadka waawayn sheekooyinkoodu ma helaan matalaad dhab ah. 

Filimadaani waxay dib u eegis ku sameeynayaan bulshada waxayna inoo sheegayaan in la joogo waqtigii wax la beddeli lahaa. 

The Pursuit of Happyness (2006): Rajada iyo Halgan Shaqsiyeed

Ugu dambeyn, aan fiirino filim si kale u taabanaya qalbigeena – The Pursuit of Happyness.

Waa sheeko dhab ah oo ka hadlaysa halganka nin miskiin ah oo raba in uu noloshiisa wax ka beddelo. Chris Gardner, oo uu jilayo Will Smith, wuxuu la halgamayaa saboolnimo, hoy la’aan, iyo xaaskiisii oo uga tagtay cunug yar oo 6 jir ah taas oo ay u dheer tahay shaqo la’aan. Waxaan wada daawanaynaa muuqaal youtupe ka ah oo muujinaya farxaddii uu dareemay daqiiqaddii loo sheegay in uu helay shaqadii uu bilaha badan ka daba cararayay. 

Wuxuu ina xasuusinayaa in filimada aysan kaliya inaga ilmaysiin, balse ay naga dhigi karaan kuwo dhiirran, kuwa rajo leh, kuwa aaminsan in ay wax beddeli karaan.

Qof walba wuu la falgeli karaa sheekadan, sababtoo ah waxay la xiriirtaa baahida aadanuhu uu qabo horumar, rajo, iyo guul.

Waxaa nasiib xumo ah, in cinema da Soomaalida iyo tan african ka aysan ahayn mid hormarsan oo aysan gaarin heerkii ay ahayd in ay gaarto. Taariikhda haddii aan eegno sheekooyinka soomaalidu ma helin matalaad dhab ah, oo fanka soomaalidu xilligii kacaanka aad ayuu u xadidnaa, wixii ka dambeeyayna burbur iyo kala carar ayaa la galay. Dhulka soomaalida waxaa yaalla kumanaan sheeko, anigu ka fadumo ahaan waxa aan aaminsanahay in sheekooyinka iyo filimaantu yihiin habka keli ah ee la isugu soo jiidi karo bulshada, habka Keli ah ee aan u samaysan karno xasuus wadareed ina midaysa iyo dareen soomaalinimo oo midaysan. 

Badanaa dadku marka ay film maqlaan madadaalo oo keli ah ayaa ku soo dhacda, kuma baraarugsana in filimaantu ay yihiin hubka aad u awood badan oo dhan walba loo adeegsan karo. In annaga ka bulsho ahaan la inagu xukumo oo maskaxda la inooga qabsado ayaa loo adeegsan karaa, in aan annagu adeegsanno oo bulsho ahaan isbaddal dhalinanna waa u adeegsan karnaaa waa seeef labo af leh. 

Haddaba, maxaan ka barannay filimadii aan tusaalaha u adeegsaday; 

Hotel Rwanda – waxa uu si cad inoo barayaa Taariikhda ma aha wax la iska iloobo, filimaduna waa xusuus qoran.

A Separation – Sheekada qoyskaas yar waxay ka turjumaysaa dhibaatooyin waaweyn oo bulshada dhinacyadeeda kala duwan haysta. 

My Favorite Cake – Islaanta waayeelka ah ee Mahin waxa ay tusaale u tahay in filimadu ay  jebin karaan aragtiyaha duugga ah oo bulshadu ay qabatimtay.

The Pursuit of Happyness – Filimadu waxay na siin karaan dhiirigelin iyo rajo. Waa hubaa qof walba oo dhalinyaro ah in uu film kaas si uun u taabanayo. 

Caawa, waxaan rabaa inaad ka fikirtaan su’aashan: Marka aad filim daawato, maxaad kala baxaysaa? Ma madaalo oo qura baa? Ma dareen keliya oo daqiiqaddaas ku eg Mise fikir cusub oo yididiilo ku galiya?

Filimada ma ahan kaliya wax lagu madadaasho, waa hub awood leh oo wax lagu beddelo. Laakiin su’aashu waa: Adiga, filimadu maxay kaa beddeleen?





Comments

  1. Waxba igama badalaan kaliya madaddaalo ahaan u,daawadaa,uun

    ReplyDelete
  2. Mahadsanid Faadumo.

    ReplyDelete
  3. Mhdsanid faadumo

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Talooyin ku anfici kara