Love Bombing


Ugu horrayn Love bombing ku waa farsamo ay isticmaalaan dadka dareenka dadka ka ganacsada. Qof aad hadda is barateen ayaa ku dareensiinaya jacayl xad dhaaf ah, ammaan faro badan iyo hadiyado hor dhac ah, kuwaas oo qalbigaaga u jiidaya dhanka qofka taatikadaan isticmaalaya. 

Sidee la gu gartaa in Love Bombing la gugu samaynayo?

1. Ammaan xad dhaaf ah iyo ka bad-badin: Waxa ay ku dareensiinayaan sida in aad tahay qofka keli ah ee dunida ku dul nool, in aad tahay jacaylkoodii koowaad, sidoo kalana dareenka ay hadda ku gu dareemayaan aysan horay u arag.

2. Xiriir joogto ah: İnkasta oo in la wada xiriiro fiican tahay, haddana waxaa fiican in dadku qaataan waqti ku filan si’ay isu bartaan. Qofka farsamadaan adeegsanaya waxaa la gu gartaa in uu maalintii dhawr jeer ama ka badan ku soo waco sidoo kalana attention badan ku siiyo, farriimo badan oo farxad iyo jacayl ahna daqiiqad walba kula wadaago.

3. Hadiyado waawayn oo hor dhac ah iyo Jacayl qirasho deg deg ah: in uu qofku ku siiyo hadiyado qaali ah idinka oo hadda is bartay sidoo kalana uu kuu qirto jacayl xad dhaaf ah in uu kuu qabo waa mid kamid ah calaamadaha ugu waawayn re la gu garto in love bombing la gugu samaynayo.

4. İn ay ku deg-degaan in xiriirku magac yeesho: Waxa ay ku gu cadaadinayaan in aad si deg-deg ah xiriirka idinka dhaxeeya magac ugu samaysaan. Dhaqankeenna Soomaalida waxa ay ku deg-degaan in ay arrimo guur kaala hadlaan si’ay niyadaada u galiyaan in hadafkoodu fog yahay.

Ujeedada Dahsoon: Ujeedka u wayn ee qofka sidaan samaynaya uu ka leeyahay, waa in uu ku hanto kuguna abuuro jacayl afka baarkiisa ah, halisna ay tahay qofka aan ku baraarugsanayn in uu dabinkaas ku dhaco. Daqiiqadda ay dareemaan in ay hadafkoodii gaareen, diiradaadana ay hanteen jawigu waa is baddalayaa. Wicitaankii waa yaraanayaa, sidoo kalana waxaa macquul ah in ay dareen ahaan/caadifad ahaan kuu abuse gareeyaan. 

Sidee isaga ilaalin kartaa? 

1. Waqti Qaado: Xiriirka caafimaadka qaba si dabiici ah ayuu u kobcaa. Ha ku degdegin wax kasta oo u muuqda mid wanaagsan oo runta ka fog.

2. Xuduudo yeelo: Arag sida ay uga falceliyaan marka aad “maya” tiraahdo ama aad baahiyahaaga sheegto. U fiirso sida ay uga falceliyaan marka aad jacaylka deg-dega ah la wadi waydo.

3. Aamina Dareenkaaga: Haddii ay wax kuula muuqdaan kuwo khaldan, ku kalsoonow dareenkaaga oo ha moodin in aad is moodsiisay.

4. Kala Tali Asxaabtaada Ama Qoyskiina: Qof kuu dhow oo ku jira xiriir bilow ah una muuqda sheeko buug ama film ku jirta xasuusi in ay macquul tahay in dareenkooda la gu ciyaarayo. 

Xusuusnow, jacaylka dhabta ah waa mid joogto ah, ixtiraam leh, oo deggan. Uma baahna in la xad dhaafiyo si loo caddeeyo qiimihiisa. Haddii aad ka shakiso in lagugu sameynayo love bombing, dib u istaag oo dib u qiimee xiriirka.

Maxaad ka qabtaa love bombing? Ma kugu dhacday waayo-aragnimo sidaan oo kale ah?





Comments

  1. Waxaad isoo xasuusisay, buuga Ego is enemy. Thanks caaneey

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara