Isdiidooyinka Bulshada
Waxa ay arkeen wiil dadaalaya. Waxa ay dhaheen “Waa nin rageed, ha la taageero.”
Waxa ay arkeen gabar xafiis joogta oo si wacan u shaqaysanaysa. Waxa ay dhaheen “Sharafteeda ayaa halis ku jirta.” Waxa ay maqleen in hooyadeed suuqa khudaar ku iibiso, cad-ceeddu ku dhacdo oo ay dacdarro halis u tahay. Way ka aamuseen.
Waxa ay arkeen aabbihii oo masuuliyadiisii dayacay, qaadna gidaarka la fadhiya. “Waa askari hore oo soo dagaalamay, Alla muxuu halyeey ahaa.” Ayay qaraabadu ku qarisay hawl-gabnimadiisa.
Waxa ay arkeen gabdho faraxsan oo dalxiisaya. Waxa ay eedeeyeen gurigii ay ku baarbaareen iyo in masuuliyaddii reerkoodu dayacay. Isla wiilashii oo ayaguna markooda dhulka maraya. “Maxay ahayd maah-maahdii, ‘Nin aan dhul marin dhaayo ma leh.’”
Waxa ay arkeen in dagaal dhacay oo reerihii is dagaaleen. Raggii baa is baabi’iyay, dumarkii baa baaq nabadeed diray. “Oo maxaa naagaha arrimaha bulshada galiyay, rag baa is hayee booskee naag uga bannaan?!” Ayaa la is waydiiyay.
Waxa ay arkeen nin gabdhihiisa waxbarasho u diray, lacag siiyay, xorriyadna ugu daray si aysan nin isaga la mid ah ugu baahan. “Waa dayuus reerka magacooda raba in uu wasakheeyo” ayay odayaashu fadhi ku dirirka uga sheekaysteen.
Waxa ay dhaheen waxaa na la dhahaa “Bulsho”Waxa aan dhowrnaa oo dhisnaa dhaqamo iyo caadooyin la ga soo gaaray, dad qaaqaawanaa oo aan waxba ka fahmayn nolosha hadda la gu nool yahay. Waxaa se soo baxay gabdho iyo wiilal, iska aasaya wixii aan bulshadaan casriga ah noloshooda la jaan-qaadayn.
Comments
Post a Comment