Ha Caayin Ilmahaaga



Marka aad akhrisay ciwaanka waxa ay ila tahay in aad layaabtay oo aad is leedahay sidee ayuu qof ilmihiisa u caayi karaa. Kulligeen waxa aan leennahay nabarro na gu dhacay yaraanteenii, si kasta oo aan isugu dayno inn aan iska dhaynana ma fududa. Waxaa jirtay gabar saaxiibtay ah oo aan xiran kabo furan, badanaa waxa ay qabi jirtay kabo buud ah, mana fududayn in aad aragtid cagaheeda. Dhaw jeer oo aan u dhabbo galay sababta ay sidaas u samayso jawaab i qancisa waan ka waayay. 


Waxa aan isku dayay in aan lugaheeda u fiirsado si'aan u ogaado waxa ka khaldan faduul ba ha igu ahaatee. Maalin ayaa waxa aan isu raacnay badda, oo ay aad u jeclayd tagiddeeda. Biyihii ayaan inta kabaha iska baxshay dhex cararay. Gadaal ayaan usoo eegay mise waxa ay taagan tahay xeelliga oo ay neef qaadanaysaa. Waan ku soo laabtay aniga oo isku dayaya in aan ku khasbo in ay biyaha qabowgooda cagaheeda ku dareento. Isku day badan kadib kabihii waa ay iska bixisay oo badda ayaan annaga oo aan ku fogaanayn ku sheekaysanaynay mowjadaha oo lugaheenna ku soo rogmanaya. 


Wada sheekayso dheer kadib si kaftan ah baa waxa aan u waydiiyay sababta ay kabaha u diiddo in ay iska bixso lugaheedana waxba kama khaldana waa ay qurux badan yihiin. Xoogaa bay aamustay kadib ayay tiri "Faadumooy haddaan kuu sheego, waxa aan u malaynayaa waad ila yaabaysaa." In aanan layaabayn baan u sheegay. "Markaan yaraa xaafadeenna waxaa la iga dhihi jiray cago wayn. Hooyadayna marwalba waxa ay i oran jirtay balaayo cago balballaaran baa tahay. 8jirkaygii la ga bilaabo cagahayga ma jeclayn, waxa aana isku dayaa in aan qariyo." 


Hooyadaas in aysan xumaan ka ahayn baa la ga yaabaa balse gabadheeda waxa ay ku yeelatay saamayn aan waligeed ka harayn. Waalidiinta soomaalidu kuma baraarugsana inta ay dhaawacayaan ilmahooda, hadallada qallafsan iyo caydu in ay usha iyo dilka ka daran yihiin ma oga. Qof walba oo dhalinyaro ahna waxaa haysata saamayn ka soo raacday hadallo waalidkiis si ka fiirsasho la'aan ah u yiri. 


Sidoo kale maalin dhawayd waxa aan ka adeeganayay supermarket, gabar dhalinyaro ah oo labo carruur ah wadata ayaa wiilkii labada ilmood waynaa waxa uu soo qaatay buskudyo la cuno. Wiilka yari xoogaa wuu yara cayilnaa, da'diisuna 7 jir meelahaas bay ahayd. Hooyadii baa si xanaaq ah ugu tiri "Aan ku arkaba wax la cuno ayaad ka fakaraysaa ee inaga dhig waxaan." Intuu isku yaryaraaday buu yiri "Laakiin hooyo waan rabaa." Inta ay ka daftay buskudkii oo meeshiisii ku celisay ayay tiri "Macmacaanku waa waxaad sidaas ula cayishaye ina mari waryaa." Anigu waan daawanayay aad baana uga naxay jawaab celinta hooyada.


Markay adeeggii dhammaysteen baan meesha lacagta la gu bixinayay isla soo istaagnay. Si degan baan ugu iri "Abaayo haddaa rabtid wiilka yar in aa miisaankiisa wax ka baddashid, cunnada xaafadda baddal ha na u soo wadin meelaha macmacaanka la gu gado si uusan ugu dhagin hadhowna u qalbi jabin."  Nasiib wanaag gabadhii qof wax fahmaya ayay ahayd, oo way awoodday in ay i tiraahdo maxaa wiilkayga afaarihiisa ku galiyay, balse markaan la wadaagay saamaynta hadaladaasi wiilkeeda maskaxdiisa ku yeelanayaan ayada oo qanacsan ayay ku laabatay buskudkii oo ay u soo qaadday. 


Waxa aan u malaynayaa hadda si wacan baad u fahantay, ilmahaaga ha caayin, waxa aan uga jeedo. Ilmahaaga kaliya maaha, ee haddii aad walaalahaa oo carruur ah la nooshahay, qalbigooda ilaali oo cay muuqaalkooda ama dabeecadahooda ku saabsan ha u quurin, dhaawac aan ka harin ayay u gaysanaysaaye.

Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara