HEERARKA HAASAAWAHA
Heerarka Haasaawaha;
1. Talking Stage: Waa marxaladda u horaysa ee isbarashada labada qof. Waxa ay iska baran karaan, baraha bulshada ama nolosha caadiga ah, marka ay lambarada kala qaataan ayuu bilaabanayaa talking stage ku. Muddo gooni ah malaha balse celcelis ahaan labada qof waxa ay marxaladaas wada hadalka ku jiri karaan bil ama labo bilood.
Hadba heerka danaynta labada qof ayay ku xiran tahay mudadada wada hadalku. Inta maraxaladaan la gu jiro, labada qof xiriir kama dhaxeeyo qofnana kuma khasbana in uu qofkaan daacad u ahaado.
2. Dating: Shukaansi ayaa loogu yeeri karaa marxaladaan waa marka labadii qof ee wada hadalku u socday ay go’aan ku gaaraan in ay ballamo isu raacaan, waqti wada qaataan oo ay si dhow isu bartaan. Inta marxaladaan la gu Jiro sidoo kale qofka waxaa u furan in uu dad kale shukaansado, oo uu cidda uu doono barto. Marka aad qofka baratid ayaad go’aansanaysaa in aad xiriir rasmi la yeelato, ama in aad ka tagto. Tan macnaheedu maaha in qofkaan xiriir ballamo leh idinka dhaxeeyo, balse waa gogol xaarka xiriir rasmi ah.
3. Relationship: Waa marka labada qof ay isku qancaan, go’aanna ku gaaraan in ay xiriir macno leh wada yeelan karaan. Badanaa haasaawuhu marka uu heerkaan soo gaaro, labada qof keligood ayaa is shukaansada, xiriirkaasina waxa uu ku dhisan yahay aas-aas ah in ay labadaan qof nolosha wada qeybsan doonaan.
Waxyaabaha aan bulshadeenna ka dhex arkay waxaa kamid ah in aysan dhalinyaradeennu kala aqoon heerarka haasaawaha, qofku marka aad hadal wada bilowdaanna uu u xisaabsanayo in aad xiriir rasmi ah ku jirtaan. Dad badan waxa ay u qalbi jabsan yihiin xiriirro aan bilaaban. Waxaa kale oo xusid mudan, in ay khalad tahay in qofka aad u malayso in uu xiriir idinka dhaxeeyo idinka oo aan marna ka wada hadlin in aad xiriirkiinna rasmi ka dhigtaan.
Mahadsanid. Waxaan kala bartay sidan intaan ku jiray xidhiidhkaygii u danbeeyay, illaa 5 xidhiidh oo iiga horreeyay waxaasi way iskaga kay dhex qasnaayeen, waxaan xasuustaa qaar ka mid ah inaanan garanayn goor aan si caadi ah uga wada hadalnay xidhiidhkayaga iyo ujeeddadiisa, aan ka ahayn inaanu haasaawi jirnay uun.
ReplyDeleteBalse fahanka tani wax badan ayay ka baddashay fahamkaygii aan ka lahaa haasaawaha, sidoo kale qalad badamoo aan ku dhici jirayna way iga badbaadisay, markii kala taggana, inaan kala tagno qofka annagoo isku calool furan xumaanna isku hayn ayay horseeday.
Mahadsanid mar kale.