QORRAX MADOOBAAD


Qorraxdii baa madoobaatay dhulkii baa mugdiyoobay. Qof walbaa waxa uu u cararay wixii uu aaminsanaa. Kii muslin ahaa, aayado quraan ah iyo salaad buu tawakulay. kii kiristan ahaana kaniisadda ayuu miciin biday. Hooyadii ilmaheeda dhallaanka ah dhabta ku haysatay waxa ay gargaar bidday duco ay afka ku boobtay. Wax walbaa waxa ay galeen xaalad hubanti la’aan ah marka la ga reebo xaalka Magan. 


Waxa uu si qummaati ah u cabbayaa koobkiisa qaxwaha ah. Dadkii agagaarkiisa joogay waa ay kala cararayaan, isaga oo aan kala jeclayn in dunidu hadda dhammaato iyo in ay sii jirto ayuu xabbad sigaar ah jeebka kala soo baxayaa. “Tolow haddii hadda koonka la laabo ka warran?” Ayuu isa su’aalayaa. Isla isaga ayaa isu jawaabaya. “Oo maxaa iga dhex yaalla oo aan labadaydaas calal ee aan huwanahay ahayn?” “Miyaadan aakhiro ka baqayn, nin u shaqaystayna kuguma ogiye?” “Waxa aan ogahay in aysan xaalka aan maanta ku jiro marna ka xumaanayn.” 


Sharqartii ayaa kala yaraatay, isaga iyo kursigii caagga ahaa ee uu ku fadhiyay, ayaa isu kaliyaystay. Habartii qaxwaha u shubtay daqiiqado kahor buu meelaha ka eegay, mise biibitadeedii jiingadda maryaha irridka looga qurxiyay ahayd bay ka soo dhex tukanaysaa gacmaha ayay kor u taagaysaa, wax uu laaxin u badinayana waa ay ku ducaysanaysaa, carabi jajaban oo aan si qumman loo fahmayn bay rabbigeed ku baryaysaa. 


Xaalad deganaansho ah ayuu dareemay. Wax walba oo qalbigiisa ku jiray ayaa hal mar sida wax aan jirin oo kale noqday. Waa daqiiqadaadaas daqiiqadda uu dareemay in uusan wax rabitaan ah u hayn nolosha koonka, isla daqiiqaddaas bay u caddaatay in uu caawa dunida macasalaamaynayo. Haddii aad adigu dareentay deganaanshiyo xaalka u xun ee bini’aadamku dareemo, cabsiduna neerfayaashiisa buuxiso waa daqiiqaddii aad ku dhaqaaqi lahayd qorshihii aad muddaba ka laba-labaynaysay. 


Waxa uu jeebkiisa ka soo saaray, lacag shilin somali ah, bakeerigii ayuu kor saaray waana uu iska dhaqaaqay. Waxa uu tagay qolkiisii oo mugdi ah. Xarig horay ugu diyaarsanaa ayuu saqafka kore ku tuurtay. kursi alwaax ah oo qolka dhex yaallayna waa uu soo diyaarsaday.  Isaga oo xasilooni badan dareemayana qoorta ayuu gashaday. 




Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara