MUQDISHO WAY I SUGAYSAY

Wax walba waa dhammaadeen. Rajo danbe ma leh, riyo danbe ma leh, macquul maaha dib u laabasho, caqligu yeeli mayo dib u gocosho. Qoraxxdu waxa ay soo baxdaa subaxa si kasta oo uu u wayn yahay iftiinkeeda maalinlaha ah awood uma laha in ay nagaato, in ay la wareegto booska dayaxa. Ugu dambayn waxa ay ku khasban tahay in ay godkeeda u hoyato ayadoo ka xun, ama ku faraxsan ka ay tahayba awood uma lihin in ogaanno ka ay doorbidi lahayd. Anigu sidaas ayaan ahay, si kasta oo aan noloshaada ugu jiray, sifo walba oo aan ku joogay, albaab walba oo aan kasoo galay waxaa timid saacaddaydii tii aan galban lahaa noloshaadana macasalaamayn lahaa. Qorraxdu doorasho ma leh, anigase waad i siin kartay sifo aan ku nagaado, waad ii qoondayn wayday boos aan kaligay leeyahay. Boos aan isku hubo lama yaqaanka ka dhalan karana u bareero. 

Waxa aad muujinaysaa murugo, ka qoomamayn iyo in aad ka xun tahay iswaaga haddana far fidin maysid, isku day kiisa ugu yar u huri maysid in aad bad-baadisid wada socoshada labadeenna. Muqdisho way i sugaysay, xeebta liido waxaa nagu sugayay habeenno qurux badan. Habeenno naftu u riyaaqdo, habeenno burbur walba oo jiro lagu illaawo, naftuna hesho jaanis ay kaga dhuumato caqabad walba. Waxaa na sugayay maalmo badan oo qorraxdu soo baxdo annagoo wajiyadeennu is eegayaan, haddana indhahernnu ilayska cadceedda eegayaan, dunidana u arka meel u samaysan ayagu in ay ku helaan wax walba oo ay mudan yihiin. 

"Xeebta jasiira ayaan tagaynaa, heeso qaraami ah ayaan dhagaysanaynaa. Mustaqbalkeenna u eg in uu ku jiro gacanta ninka laandhuuga ciyaaraya marwalba oo uu tuurana isagu aan kala jeclayn lambarka usoo baxaya annagase ay ku xiran tahay nolosheennu waan ka guulaysanaynaa. Ballan walba oo ay galaan kuwa magaca qaddarta u adeegsada dhibaata walba oo ay annaga na gaarsiiyaan annagaaa uga dhow guusha." Ayaad maalin walba oo aan mustaqbalka ka shakiyo igula faqi jirtay. Maxaad ballamaha u qaadday haddii aadan aqoon in oofintu waajib tahay? 

"Gacalo qalinkaagu waa xor. Marna ha ku dabrin naftaada, xarigga xuduudaha aan muuqan. Xuduudaha qof walba oo damca in uu aragtidiisa dhiibta qabta oo xabsiga dhiga. Haddaad doonto waligaa ha faafin aragtiyahaaga balse ogow haddaad naftaada barto u hoggaansanaanta qof kale dabarradiis waxa aad noqonaysaa hayyin. Qoraagu wax walba waa uu noqon karaa, caajislow waa noqon karaa, mid aan shakhsi ahaan wanaagsanayn wuu noqon karaa balse marna ma noqdo raaciye cid kale marti uga ah aragtidiisa." Ayaad marwalba oran jirtay. Maxay taraysaa dhiirranaantaydu haddii aanan awoodin in aan adiga ku joojiyo oo qalinkaygu cabbiro muhiimadda aad naftayda u leeyahay.

"Waxa aad leedahay shakhsiyad wayn, waxa aan hubaa in aad meel sare gaarayso. Waa sababta aan kuu ilaashado. Saaxiib lama noqdo qof aanan hubin in uu aniga iga han iyo himilo sarreeyo." Ayaad marwalba oran jirtay. Meel sare waan gaarayaa haddaanan caqliga iyo caafimaadka waayin lakin adigu waligaa waxa aad ku suntanaan doontaa qofka kaliya ee arkay daciifnimadaydu sida ay u wayn tahay marka aan mustaqbalka ka baqayo. 

La kulankaagu waxa uu ku bilowday geesinimadaada, howl karnimadaada iyo jacaylka xad dhaafka ah ee aad nolosha u hayso xataa adigoo og in maalmaha qaar aysan mudnayn naawilid. Waxa uuna ku dhammaaday fulaynimadaada, cabsida wayn ee aad ka qabtid haddii aan kuu sii dhawaado, ku barto oo aan noloshaada boos wayn ka dago in aadan awoodin in aad iga ahaatid. Noloshaydii hore cabsi way ku galisay, oo waad ogayd in tagiddu ay tahay waxa ugu fudud ee aniga iga suurooba. Waxa ay ahaydba dhammaaad ayay noqotay nolosheennu. Anigase bilow ayay ii tahay, bilow cusub oo aan kula noolaado aragtiyahaagii faraha badnaa.  

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara