Posts

Showing posts from August, 2022

LAMA-HELAAN Q: 4aad

LAMA-HELAAN Q: 4AAD Jacaylku waa janno looga nasto qaxarka iyo dhibaatada adduunka bay dhahaan. Waxa ay dhalinyaradu, isku maaweeliyaan in si kasta oo noloshu kuugu adag tahay, haddii aad haysato qof ku jecel, aysan nolosha waxba kaa dhinnayn.  Dhalinyaradaas Kamaal kamid maaha. Waxa uu si adag u aamminsan yahay in Lacagta iyo Quruxdu tahay furaha dunida. In aysan waxba kaa dhinnayn haddaad labadaas Midkood hesho. Kaba wanaagsan haddii aad isku hesho. Waxa uu caqligiisa ka dhaadhiciyay isaga oo aad u da' yar in dunida uusan waayi Karin wax uu u baahday. Lacagtii faraha badnayd ee Aabbihiis uga dhintay ayaa sabab u ah in uu nolol noocaas ah ku barbaaro ayaa la oran karaa. Dadku waxa ay badanaa is xasuusiyaan in uusan jiri karin qof dhammays ah. Kamaal marka aad aragto se arrintaas waad beenaysanaysaa. Magicii hooyadiis ugu walqashay ayaa saadaal wacan u noqday ayaa la oran karaa.  Xilli ay casar liiq tahay, ayuu isaga oo galabta hurdada ku daahay gaarigiisii soo qaa...

Lama-Helaan Q:3AAD

LAMA-HELAAN  Q:3AAD Intii uu cashada cunayay oo dhan waxaa maskaxdiisa haysatay gabadhii  barta yarayd, Kuna labbisnayd maryaha midabkeeda u eg. Salma sidii caadada ahayd waxa ay hadba isku dayaysay in ay la furto mawduuc uusan lasii wadayn. Hadba hadal dabacsan ku dheh, hadba jacayl u muuji, hadba gacantiisa qabo. Isaga waa isugu mid.  Salma waa hubka uu ku faano oo kaliya ee qalbigiisa ma ay deggana boosna kuma ay laha. Waxa uu aad ugu xeel dheer yahay in uu qiimeeyo qofka uu la kulmo isaga oo aan hadlin.  Kaafiya waxa ay ula ekaatay ugaar uusan si fudud ku daban karin. Waa marka koowaade saaxiibkiis ayaa watay. Waa marka labaade badi gabdhaha muuqaalkeeda oo kale lihi kama helaan dhalanteedka, ma jecla in ay ninkay doonaan hadal la furaan. Waxa ay u badan yihiin fariiddo dantooda si wacan u garanaya.  Waxa uu geeyay Salmo gurigeeda. Gaariga markii uu lasoo kala wareegay ayuu wacay saaxiibkiis C/Kariim.  - Saaxiib, I warran muddo ayaan is moog...

Lama-Helaan Q:2AAD

Kaafiya oo si qurux badan usoo labbisatay caawa. Ayaa waxaa albaabka gurigooda soo istaagay gaarigii C/kariim oo caawa u sugayay sidii qof helay jaaniskii koowaad ee uu xajka ku tagi lahaa. Farxad faro badan ayaa indhihiisa laga dheehanayay. Inkasta oo uu Xad dhaaf u jecel yahay Kaafiya ulana dhaqmo sida ugu quruxda badan ee wiil isaga oo kale ahi ula dhaqmi lahaa gabadha uu jecel yahay. Haddana mar walba waxa uu dareemaa in uusan ku filnayn. In ay xaq u leedahay ka badan waxa uu u qabto. Mashquulkeeda oo aad u tiro badan iyo ayada oo aan jeclayn in ay dibadda u baxdo goor walba ayaa kulankooda caawa ka dhigaysa mid ka qiimo duwan kan barbaarta haasaawaa habeen walba isku arkaan.  Gaarigii ayay soo gashay. Markii ay sidaa dhulka u dhigtay salka ayuu isaga oo aan dhaqaaqin shiday hees ay jeceshahay oo uu u daaro marwalba oo ay gaariga la saaran tahay. "Ubaxa ugu quruxda badan u qaalisan ugu udgoon" ayay isku mar wada yiraahdeen ayada iyo Qamar Suugaani. Gaarigii ay...

LAMA-HELAAN Q:1AAd

Waxa ay la kulantay wiil aysan heli karin. Haa oo aysan Hanan karin. Waxa uu leeyahay jacayl gabadh uu ku indho Kuusho. Labadii ilbiriqsiba mar haddii uusan magaceeda sheegin wax baa ka dhiman maalintiisa. Isagu waa wax walba oo ay ayadu jeclaan lahayd.  Waxa uu kulansaday oo uu koobsaday dabci iyo dhaqan walba oo ay ninka dookheeda ah ku dooran lahayd. Aftahanimo iyo hibada hadal helista. Dhoollacaddayn qalbiga jiiraysa oo si kasta oo maalintaadu u madowdahay xoogaa rajo ah ku siinaysa. Kalsooni iyo in uu yahay nin rageed marka aad hiil uga baahato hortaada aadan daqiiqad ka waayayn. Muuqaal qurxoon oo sabab u noqon kara in aad dartiis wax walba u samayso si'aad u hanato raalli ahaanshihiisa. Dabeecad wax akhris iyo aqoon badni. In uu wax ka yaqaanno badi dunida waxa cilmi ka jira. Mid walba waxbaa uga bilaaban oo marna jaahil ku uu noqon mayo madal lagu hadal hayo wax la xiriira aqoon kororsi. Falsafadda iyo fiisikiska. Cilmi nafsiga iyo suugaanta. 3da diimood ee sama...