MIYAYNU KULANNAY?


Jawigu waa iska dagganaa maanta, halkii aan ku suxuurtay ayaan wali jiifay. Kol aan albaabka gaadhay waxa aan arkay cirka oo daruura leh, di'itaanna diyaar u ah, balse ilaa hadda hal dhibici tifiq kama soo odhan dhulka. Ma aqaanno in la xaday ama uu ahaa mid la xoogay oo marriin ah. Sideedaba wax aan gabbal dhaca ahayn ma daneeyo mana eego. Waaberigu macna ii ma leh, xataa hadduu ii yeelan lahaa ma ba soo jeedo. 
Samada iyo dhanka kore kuma fooggani, waxa ugu sarreeya ee aan milicsadaa waa nalka qolkayga qasan oo kaliya. Inaan sii jiifo ayaan doonayay haddii aanan xasuusan lahayn imaanshaha yartii luqunta cabaadhyaha ku lahayd iyo soo dagisteeda maanta. 

Markiiba inta aan sarwaal iyo shaadh buluug ah oo aan shalay subaxdii huudhaydhka ka soo gatay feeraystay ayaan baxay. Waddada intii aan sii hayay ayay soo gashay, durba waxa aan jiidhay dadkii sugayay dadkooda oo idil. Gagada dayuuraduha ee Garaad Wiil-Walaal galabta afka ayuu joogaa, dad ayaa dhinac walba ceegaagan. Sida ay duniduba tahay kuwo xilligii ugu adkaa ayay ku jiraan oo kala tag ayaa u danbaynayaan la aqoon in kulan xigi doono, xilliga uu xigo doomno iyo in markaasi isugu danbayn doonto.  Waxaana ku cuslaatay aqbalaadda kala tagga iyo gudashada salaanta sagootiska. Waxa ay ishaadu qaban caruur yaryar oo gudbay, iyaga oo qoslaya gacanta u soo taagaya dad ehelkood ah oo ilmaynaya.  Halka kuwa kale ay maqnaan daba dheeraatay sagootiyayaan, kulan iyo ishelitaan danbana la marxabbaysan yihiin. Annagu tolow midna ma ahayn? Mooji! Kollay horaan umaannaan kulmin, sidaa darteed sagootis nooma horraynin. Malaha waxayagu waa dhalaasho hor leh ayaa ba la odhan karaa? 

Runtii aad ayaan u hiyi kacsanaa, waxa aan sugi la'aa aragtideeda iyo goorta aan ka buuxsan jaaheeda. Kuma ciyaari doono sidii Casiisa iyana uma dhoohana sida Haala, labada jilaa ee sheekadii Axalaam ee "Madawga waad ku soo baxdaa!" Isaga oo la saaran isla diyaaradda ay saarnayd ayuu u yahay haddana qofka ay sugayso in uu qaado! Isna waxa uu ku imtixamayaa in ay ka dhex soocda waxa dad garoonka tuman. Anigu ma karo taas samaynteeda, waayo? Qalbiga ayaan iga oggolaanayn, markale iyadu waa ay i garan oo in badan ayaan iska eeganaynnay, iskana dugsanaynnay shaashadda moobilladannada. 

Soo jeedsigii ay ka soo noqotay riixidda boorsada cagaarka ah iyo waxa kulmay jalleecadaydii, halmar ayaan indhaha isku dhufannay. Mar ma booddaa ayaan is idhi, laakiin waxa i dabray finiinka reer guuraannimo ee la falgalay dhiiggayga walina baaqiga igu sii ah, markalana waxa aan tuuri gaadhay tacaaliimtii Awawgay oo dhan oo inaan la ilmeeyo farxad darteed ku sigtay, labaduba se ma ayan dhicin. 

Waa isla ayadii ayaan hoos isugu idhi aniga oo Tallaabada u sii qaadaya dhankeeda. Uma sido Ubaxyadii ay intii badnayd safarkeedan igula dardaarmi jirtay oo dhan. Waayo? Waligayba meel ubaxa lagu gado maan arag. 

Gacma qabaw ayay ii soo fidisay, anna waan ku dhagay, hab ayaan isa siinnay, sidii ayaan isugu dhagganayn intii uu ilaahay qaddaray, hadal la'aan iyo aamus dheer ayaan kaga bogtay Indhihii dhalaalkaa badnaa,  dhabanka midabka wacnaa, bishmahii madmadoobaa, nafta hadalkeedu sixirka ahaa iyo dhabankii samayska cuddoonaa. 

Halmar ayay codka xabeeb yar oo daggan leh ku tidhi maynan soconayn? Waa cod aan ku raaxaysan lahaa in ay maanta oo dhan iigu daldalanto.  Boorsasii ayaan saaray Taxi duugoowday oo malaha dhalashadayda agteedii lagu shaqa billaabay, iyada oo saluugsan ayay iyana soo kortay. Waxa ay xidhan tahay Masar dulduleel waawayn oo muujinaya Timaheedii dhaadheeraa iyo dirac bunni ah oo aan bishii hore u sii dhiibay. 

Bogga ayaan gashaday, xasilooni aan abid isoo marin ayaa i saaqday. Goor danbe ayaan ku baraarugay iyada oo i waydiinaysa waxa ay tahay Taalladan aan la soo wareeganaynay. Markiiba waxa aan u sheegay in ay tahay astaan lagu waarinayo magaca hogaamiyihii sababka u ahaa maanta inaannu nool nahay. Inta ay iga boodday ayay i waydiisay haddii aan jeclahay sabab ayaan Taalladan oo kale ugu taagi la'ahay? Xaadda yar ee ku taalla dhabankeeda aniga oo taataabanaya ayaan ku idhi "Ma baahi ayaad u qabtaa dhagaxyo la isdul saarsaaro oo meel cidla ah laga taago mar haddii iyada oo nool la la dhex dajiyay Qalbigayga?"  Illinta sida raxanta uga da'aysay ee muujinaysa qabawga ay ka dareentay gudaheeda aniga oo ka tiraya, kuna dajinaya barri inaan Buurta Kaaraamardha u dalxiis tagi doonno ayaan soo gaadhaynay hotelkii aan u qabtay, oo aan soo horjoogsannay Istanbul Hotel. 

Kolkii hore waxa aan doonayay in aan qolkaygii isdhex daadsanaa iyadana ku daadiyo haddii aynan ila quruxsanaateen in aan geeyo  huteelka sita magaca magaaladii ay joogtay markii aan isbarannay. Waa aan galnay, waxa aan istaagnay dhankii Receptionka oo aan ka qaadanaynay furaha qolka 128 aad. Waxa aan milicsaday sida ay uga masayrsan tahay qaabka aan u wada hadlayno gabadha meesha joogta. Halmar ayuu is baddalay wajigooda, laakiin aad ayuu u qurux badnaaday, malaha haweenku marka ay masayraan waa ay qurux badnaadaan?! 

Roobkii soo daatay markii waa kii qaadi waayay habeenkii oo idil. Ma adiga ayaa Barwaaqo noo siday? Mise waa kulan kadis ah oo kaliya? Ma garanayo wax aan ahayn in uu innaga inna deeqay, jawigana innoo saxay. Mana illaawi doonno sidii aynu isaga dugsannay dhaxantiisa, iyo sidii aynu u wada daawannay quruxda dhibcihiisa. 

W/Q: Maxamuud Sayyid

Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara