MARKA AYNU KULANNO
Waa galab, waxa ay diyaaraddu soo caga dhiganaysaa magaaladaada. Waxa aan qabaa gambo madow, cambuur cad iyo kabo saandal ah. Waxa aan qummaati ugu soo socdaa dhankaaga. Gacanta midig waxa aan ku riixayaa boorsadii dharkaygu ku jireen. Waan xalliyay in cid kale iga soo doonto ayraboorka. Adiga oo kaliya ayaa igu sugaya gudaha, waxa aniga wadnahayga walwalka ku beeray ee aan la jaraynayo waa in aan ka baqayo in aragtideenna koowaadi ka hoos marto sidii aan sawirannay.
Adigu waxa aad qabtaa shaar cad iyo surweel madow. Haaa oo ma jeclid dharka cad cad aniga dartay ayaadse usoo xiratay. anaa kaa codsaday in xasuusta aragtideenna koowaadi ay sidaa noqoto oo aan maryahaan kugu xasuusto. Waxa aad taagan tahay dhex bartanka hall ka dadka imaanaya lagu sugo. Muqdisho waa ay kulushahay. Xoogaa waxa aad isku dayaysaa in aad qariso in aad baqsan tahay. Waxa aad shaki wayn ka qabtaa in sidii aan isaga helnay annaga oo aan kulmin ay wax iska baddalaan marka aynu kulanno.
Waxa aad iisoo qaadday ubaxyo qoyan, haaa oo ma fududayn in aad hesho ayaga oo cusub oo carfaya. Horay baad u ogayd sida xad dhaafka ah ee aan uga dambeeyo ubaxyada. Dhagahaaga waxaa wali ka yeeraya hadaladii ugu dambeeyay ee aan kugu iri markii aan saacado kahor diyaaradda kasoo raacayay. "Marka aad ila kulanto ha nixin, ha dareemin farxad dheeri ah hana iga filan in aan qof aan caadi ahayn noqonayo. Ha suuraysan sida caraftaydu noqon doonto waxaa macquul ah in aan isticmaalo barafuun aan ku cajabin. Marka aad ila Kulanto ha iga filin in aan sidaydii u sheeko badnaado waxaa macquul ah in aan kaa xishoonayo, in ay waqti igu qaadato in aan la qabsado wada-joogeenna."
Markii aan hortaada Soo istaagay indhahayga iyo kuwaagu si toos ah isu qabteen. Markii koowaad oo aan is eegaynno ayada oo aysan muraayadda taleefanku noo dhaxayn. Hal ilbiriqsi ayaan labadeenuba laabta isgalinnay. Sidii aan filayay ayaa dhacday. Cadarka aad isticmaashay ma aha mid I cajabinaya. Waxa aanse ku guulaystay in aan ursado carafta jidhkaaga ee dabiiciga ah. haaa oo taasi aad ayay Ii cajabisay waana sugi la'ahay in aan si dhammaystiran u qaato.
Adigu waad ka heshay barafuunkayga, kuma uu dhibin sida kaaga oo kale. Waxa aad ku cudurdaaratay in aadan dumarka barafuunadooda kala aqoon sidaa darteedna ay wax walba oo carfayaa ku cajabiyaan. Waxa aan kugula doodayaa in aanan sidaada barafuun raqiis ah marsan sidaa darteed wax walba oo qaali ahi ay Soo jiidasho leeyihiin. Dood dheer ayaan galaynaa, baskii magaalada aadayay ayaan raacaynaa waxa aan ku waydiinayaa halka aad igu waddo inta aad khalkhasho ayaad aamusaysaa. Markaa baan inta indho layaab leh kugu eego ku oranayaa ma sidaan baad igu soo dhawaysay?!.
Khaladkaagii waad saxaysaa oo huteel ayaad I gaynaysaa illaa iyo inta aynu ka gaarayno albaabka huteelka waxa aad ka cudurdaaranaysaa sidii aad u hilmaantay ee aadan horay iigu sii qaban halkii aan degi lahaa. Anigu waan ku farxayaa illowshahaagaas waxaana Ii caddaanaysa illaa iyo inta aad u hilowday la kulankayga taasina ay ku illowsiisay wax walba oo muhiim ah.
Marka aan nasto kadib, fiidkii waxa aynu tagaynaa xeebta. Waxa aan daawanaynaa dayaxa. Waxa aan ka sheekaysanaynaa sidii aan isku barannay, sidii aan isku caashaqay annaga oo aan is arag. Gacmaha ayaan is qabsanaynaa kadibna islaamaha carruurtooda usoo kaxeeyay xeebta ee sii carraabayaa waxa ay nagu eegi doonaan indho aan farxad lahayn. Annaguse waxaa uma jeedno oo badda jacaylkeenna ayaynu dabaalanaynaa. Subaxa xiga waxa aan ballan sanaynaa in aan suuqyada magaalada Soo wareegno. Waxa aan Soo booqanayaa meel walba oo aad booqatay. Waxa aad igu harqin doontaa Ka sheekaynta sheekooyinka Xasuusta kugu leh, waxa aadna igu daalin doontaa in aad isoo tusto meel walba oo aad is leedahay way mudan tahay in aan arko.
Waxa aan ku jiraynaa jannadaas illaa iyo inta wax inaga jiira imaanayaan.
Kullankeenna koowaad waxa uu noqonayaa mid ka qurux badan khayaalkeennu sidii uu sawirtay, waxa aan ku noolaanaynaa janno aan lagu waarayn. waxa aan guranaynaa miraha geedo macaan waxa aana dhisanaynaa dabakhyo ay suurtogal tahay in neecaw yari jabiso.
Comments
Post a Comment