MA AHAYN
MA AHAYN!
Ma ahayn in aan isku buuqno, isku xanaaqno kadibna kala dheeraanno. Hadda waxa aynu joognaa ka fog meeshii aan horay kasoo bilawnay. Waxa aan kala fogaannay maylal haddii aynu socod soo jihaysanno, nafteennu ku daalayso, kuna dhammaanayso jidka annaga oo aan isa soo gaarin.
Ma ahayn in aan is jeclaanno, isu samirno kadibna dadaalkii ka dhigno hal bacaad lagu lisay. Hadda waxa aynu ka dambaysiinnay wax walba oo qurux lahaa, xumaan aysan badaha iyo wabiyada oo idili awoodin in ay tirtiraan.
Ma ahayn in aan kala fogaanno, is nacno kadibna xiisaha iyo hilawgu laabteenna gubo. Hadda laabaheennii waa ay wasakhoobeen, qalbigii xalnaa wuu daxalaystay, si kasta oo cadar iyo barafuun loogu shubo nafta lagama tiri karo urtii gubashada kasoo raacday kala tageennii.
Ma ahayn in aan xasuus qurux badan kaydsanno, qosolno, faraxno, kadibna wax walba oo qurxoonaa ku sagootinno sawirro mugdi ah, hadallo cay iyo xanaaq ah, hadda wax walba oo dhacay kadib waa mustaxiil in laabaheennu isu furmaan, kasheenuna mar labaad u diyaar noqoto dhaymo iyo dhayid.
Ma ahayn in aan kulanno, is waraabino baraago xareed ah, ku noolaanno janno aan lagu waarayn, kadibna nacayb aan laga bogsan karin ku waraabinno xididada beerihii aynu abuurannay.
Sida ay doontaba ha noqotee ma ahayn in aynu isbaranno!.
Mansha allah xbbt aad ban uga helay my twin
ReplyDeleteAlla may aheyn in aan akhriyo
ReplyDelete