FADHIGA KA KAC
Ka kac fadhiga, soo noolee riyooyinkaaga, istaag oo u istaag hanashada hankaaga. Soo ma aad arag wax walbaa waa macquul, shalay gabadh baa ku guulaysatay in ay ka mid noqoto guddoonka sare ee baarlamaanka berri waxaa macquul ah in aad adiguba madaxwayne noqoto.
Qub hadaladooda niyadjabka leh, ka daahiri nafta nacaybka iyo naxliga ay ku badeen. Cadar isku shub ka qubayso urta basasha iyo saliidda dabadeedna u fakar waxa aad doonayso in aad noqoto maskaxdana ku hay in gabdhaada, gabadhayda iyo gabdhahooda masiirkooduba adiga ku sugayo.
Haddii aad hooyo noqotay, haddii aad ka daahday waxbarashada iyo haddiii isaga jacaylkiisuba shaki kaa galinayo sida aad u ekaan doonto berrito fadlan naftaada dooro, wixii aad rabtay in aad 25jir ku xaqiijisid weli 40 ama 50 kaad doonto ayaad ku noqon doontaa.
Ka kac fadhiga, baro xirfad cusub, luuqad cusub ama boorka ka jaf riyadaadii yaraantii Fadlan wax uun xaqiiji kuguma filna in aad dhimatid adiga oo noolaaday kaliya noloshii ay ayagu kuu dooreen.
Haddii aad jaamacadda ku jirto, dhammaysay ama haddaba bilaabaysid fadlan hubi in aad dooratay wax isbaddal ku keenaya noloshaada, nolosheeda iyo nolosha gabadha aad ayeeyada u tahay. Qareen miyaa rabtaa in aad noqotid Noqo oo baro sharciga haka baqin hadaladooda. Ma waxaad rabtaa in aad siyaasadda ku biirtid, haka baqin hankaaga waan hubaa oo waad dhaami doontaa qashinka hadda inoo dhooban. Ma waxa aad rabtaa in aad hanti samayso haddaba qabo wax fudud oo kuu dhawaynaya hankaaga berrito marna maskaxdaada yay u dhaadhicin in jinsiga aad tahay lagugu liido.
Ma waxaa ku qaba nin aan naftaada qiimaheeda aqoon, ma waxa aad ku dhex xiran tahay carruur aad qorshe xumo ku dhashay, waxba haka baqin noloshu berri way isbaddalaysaa kaliya ii ballan qaad in aadan rumaysan hadalkooda ah "Naag aan dhabteeda illini qoyn ilmo ma korsato." Waa beentood oo waxa aad xaq u leedahay qoys qurux badan kuma lihi reerkaaga dumi ee waxa aan ku leeyahay ku dhaqaaq sidii aad uga kaaftoomi lahayd in aad dhaqaale ahaan isaga ku tiirsanaato dabadeed arag sida wax walbaa isu baddalaan, sida aysan culays kuugu ahaan doonin in aad bannaanka iskaaga saarto nin wax ma tare ah.
Ugu dambayn Hooyo, Abbaayo, Eeddo iyo Habaryar waxa aad tahayba qiimee naftaada oo u istaag hanashada naftaada, una diyaar garow nolol qiimo iyo qanaaco agtaada ka leh ee aan lagu khasbanayn ku noolaanshiyaheeda.
Wax walba wxay ahaan doonan sida aad inoo sheegtay abaayo wxaan u istaageynaa ka dhabeeynta riyooyinkeyna iyo hadafyadeena.❤
ReplyDeletesaakay halkaan baan ku haystaa wax badan iiga baxeen
ReplyDelete