FADHIGA KA KAC
Ka kac fadhiga, soo noolee riyooyinkaaga, istaag oo u istaag hanashada hankaaga. Soo ma aad arag wax walbaa waa macquul, shalay gabadh baa ku guulaysatay in ay ka mid noqoto guddoonka sare ee baarlamaanka berri waxaa macquul ah in aad adiguba madaxwayne noqoto. Qub hadaladooda niyadjabka leh, ka daahiri nafta nacaybka iyo naxliga ay ku badeen. Cadar isku shub ka qubayso urta basasha iyo saliidda dabadeedna u fakar waxa aad doonayso in aad noqoto maskaxdana ku hay in gabdhaada, gabadhayda iyo gabdhahooda masiirkooduba adiga ku sugayo. Haddii aad hooyo noqotay, haddii aad ka daahday waxbarashada iyo haddiii isaga jacaylkiisuba shaki kaa galinayo sida aad u ekaan doonto berrito fadlan naftaada dooro, wixii aad rabtay in aad 25jir ku xaqiijisid weli 40 ama 50 kaad doonto ayaad ku noqon doontaa. Ka kac fadhiga, baro xirfad cusub, luuqad cusub ama boorka ka jaf riyadaadii yaraantii Fadlan wax uun xaqiiji kuguma filna in aad dhimatid adiga oo noolaaday kaliy...