SARİİRTA DHİMASHADA
Waxa ay dhagahaygu maqlayaan codka ambalaasta. Waxa aan isku dayayaa in aan markii ugu dambaysay wax dhaho mase awoodo in aan bushimaha kala furo. İndhaha ayaan hadba isku qabanayaaa. Mugdi wayn ayaan arkayaa markaas baan aniga oo cabsanaya kala qaadayaaa, haddana waan isku qabanayaa waxa aan ka baqayaa in aan mar kale kala qaadi waayo. Waa bartamaha habeenka. Waxa aan ogahay in haddii wax i gaaraan aysan cidina ogaan doonin subaxa kahor. Yaa xilligaan saq barka ah furaya taleefankooda!.
Si arxan daran ayay ii qaadayaan kuwa gargaarka deg dega ahi. Marka ay arkaan in aan ajnabi ahay haddana aysan cidina ila joogin ayay igu eegayaan indho naxariis ka maran. Afka haddii aanan ka hadli karin maskaxdayda ayaa xad dhaaf u shaqaynaysa. Waxa aan ku ducaysanayaa in aan helo jaanis labaad. İn aan ka kaco sariirtaan baqdinta iyo kelinimada miiran ah. Dhagahaygu waxa ay wali sii maqlayaan codkii ugu dambeeyay ee wiilkii aan facebook ka bartay aqoonta kalana aana u lahayn. Waan xasuustaa oo waxa uu iigu soo celceliyay "Fatma waad samayn kartaa. Ha fakarin, maskaxdaada ka saar wax walba, waana kaa warqabayaa oo subixii ayaan kusoo wacayaa." Sidee ayaan ugu sheegaa in aan sariirta isbitaalka aallo. Sidee u gaarsiiyaa in aanan warkiisa qaadan. Sidee ugu sheegaa in aan aad uga helay u damqashadiisii.
Si'aan naxariis lahayn ayay kalkaalisadu baaritaan iigu samaynaysaa malaha waxa ay lacnadaysaa nasiibkeeda. malaha Waxa ay hoos ugu sheegaysaa nafteeda maxaa naagtaan madow xilligaan noo keenay maxay ugu dhiman wayday gurigeeda dhexdiisa kahor inta aysan haleelin soo wicitaanka qeybta gargaarka deg degga ah. Waxa ay doorbidi lahayd in ay miiska iska fadhido oo ay taleefankeeda iska daawato sidaasna salaadda subax lagu addimo oo ay shaqada uga baxdo ayada oo aan waxba qaban.
Waan harjadayaaa waxa aan rabaa in aan cataabo, in aan sheegto waxa i dhibaya in aan iraahdo halka la iga hayo maaha jismiga ee waa maskaxda. Waxa aan rabaa in aan u sheego in aan asbuucyo ka gam'i waayay maskaxdayda markii dambana aan xaaladdaan gaaray oo aan ku dhawahay in aan dunida macasalaameeyo.
Waxaa welwel igu haysa sida ay kuwo badan yeeli doonaan haddaan dhinto. Waxa aan ogahay in ay ii barooran doonaan kuwii aan kumanaanka jeer wacay kahor intii aanan sariirta dhimashada fuulin. Waxa aan hubaa in kii jacaylkayga aan waxba kasoo qaadin uu dhihi doono aad ayaan u jeclaa oo waxa ay ahayd qof aad u fiican. Waxa aan qirsanahay in saaxiibadii markii aan badbaado ku qaylinayay iska kay indho tiray ay dhihi doonaan aad ayaan u jeclayn jacayl miiran ayay ahayd. Waxa aan wax badan ogahay in waalidkay wax badan dhihi doonaan awlaad lamid ah nama soo marin namana soo mari doonto, saas oo ay tahay way ogaayeen xaalka aan ku suganahay cidise wax iskama waydiin waxa aan ku dambayn doono. Waxaa wax walba iiga daran sida dad badan oo aan i aqooni ii dhihi doonaan aad bay u yarayd ma ahayn in ay sidaa fudud nagu macasalaamayso maxaad ka ogtihiin waxa aan marayay miyaad war u haysaan in ay sidaan in aan ku dhintaa ii fududayd?.
Haddaan ka kici waayo sariirtaan waan hubaa oo hal cid ayaa si qalbiyan ah u tabi doonta dhimashadayda. Hal cid ayaa waayuhu badi doonaan maqnaantayda. Hal cid baa ayaga oo aan ogayn in aan soo laaban doono wax badan i sugi doona. Ciddaasi cid kale maaha ee waa bisadihii iyo eydii ku noolaa agagaarka gurigayga. Soo ma tabi doonaan cuntadii aan ugu shubi jiray weelka. Soo maalmo badan kuma soo lug go'i doonaan halkii ayaga oo cunto raadinaya. Alla miyay heli doonaan cid ii baddasha. Alla ammay i hilmaamaan oo ay la kulmaan cid iga deeqsisan.
Waxa aan ballan qaaday haddii aan si nabad ah uga kaco sariirta dhimashada in aan noqon doono mid cusub. Mid aan maskaxdeeda ku xadgudbin. Mid aan illoobin in noloshu hal jaanis tahay haddii aad maankaaga xasilin waydana aad waayayso jaaniskaas.
Sidaan moodayey mise sidey igu noqotay qoraalkaan Bisado iyo ey ayaad inoo keentay
ReplyDelete