WARAAQDİİ AFRO


WARAAQDİİ AFRO




Afrooy hooyo haddii aad nasiib u yeelato in aan ku dhalo oo aan dunidaan ku keeno, ogow kuma keeni doono aniga oo aan hubin in aad ammaan ku helayso dhulkaan. 

Afrooy hooyo ma guursan doono ninka koowaad ee aan jeclaado, waxa aan hubin doonaa in qalbigaygu jabo kumanaan jeer miyaad garanaysaa sababta aan rabo in aan sidaa u sameeyo hooyo?. Haddii aan guursado wiilka koowaad ee aan jeclaado waxa aan u noqon doonaa addoon ka cabsi qabta nolosha dunida in ay wajahdo kaligeed haddii ay waydo jacaylkiisa. Si aysan taasi u dhicin waxa aan ka tagi doonaa tobanaan wiil si'aan u hubiyo in qalbigaygu adkaaday oo aan noqday mid dunida wajihi karta marxalad walba. Mid uusan jacaylku dabar u ahayn ee uu xarig xornimo u yahay.

Afrooy hooyo haddii aan ku dhalo kuma cabburin doono. Waxa aan ogolaan doonaa in aad is qeexdo bilowga hadal barashadaadaba. Afrooy hooyo anigu yaraantaydii waxa aan ahaa gabadh yar oo aad u hadal badan. Waxa aan hayay jawaabaha su'aalo aan da'dayda ahayn. Qof walba oo i arka waxa uu imoodi jiray in aan guun ahay oo aan ka waynahay da'da hooyaday igu sheegayso. Qof walba oo i arka waxa uu isaga oo qoslaya i dhihi jirey aad ayay u caqli badan tahay. Lakin hooyo ma helin jaanis aan ku bandhigo caqligaygaas. hooyaday marwalba oo aan eray dhaho waxa ay i oran jirtay "Aamus naayaa. Dadka waawayn laguma ag hadlo. Gabadh baa tahay, iyo wax lamid ah" Macallimiintii iskuulkaygu way i necbaayeen markasta oo ay igu xad-gudbaan waxa aan dhihi jirey "Macallin sidaani sax maaha." Way i garaaci jireen oo ay hooyaday igu dacwayn jireen. Afrooy adigu mudan maysid jahligaas oo kale. 

Afrooy aniga ayaa macallimad kuu noqonaya, waxba kuma ay bari doonaan niman jidhkaaga si khaldan u eegaya. Gabdho badan waxa ay la kulmaan xadgudubyo dhanka macallimiintooda ah, ma awoodaan in ay ka hadlaan mana laha sharci ka qabanaya haddii ay dacwoodaan. Marwalba ayaga ayaa noqonaya dhoocisha fud-fudud ee meel walba gasha ayadoon hubsan waxa ay la kulmi karto. Markaa hooyo haka welwelin mari maysid adigu wadadaas holaca ah ee qarinta iyo ciilka miiran ah.


Afrooy, Waxa aan ku dhalayaa aniga oo soo maray kumanaan tijaabo kuwa adag iyo kuwa fudud, aniga oo soo dhadhamiyay nolosha dhinacyadeeda kala duwan. Waxa aan kusoo dhawayn doonaa aniga oo aan wax ka eegayn hal daaqad taas oo ah in hooyadu tahay sameeyaha carruurta. Ma xuma in qof dhan la sameeyo lana koriyo se sidee ayaa loo korinayaa ma sidii aad kusoo kortay ee ku saabsanayd, wax dhal, kori, u shaqee kadibna ayaguna isla waddadii ha mareen. May Afro adigu daaqaddaas wax ka eegi maysid. İn daaqaddaa wax laga eegana waxa ay ku afjarmaysaa halkii aan anigu ka bilowday. 

Afrooy, marka aad dhalato waxa aan hubinayaa in aad ku dhalato guri aan boqorad ka ahay si'aad ugu dhex barbaarto boqortooyo. Lama joogi doono nin aan qiimahayga aqoon, nin aanan anigu madaxa u saarnayn oo aan ii eegayn sidii in aan ahay malag barakaysan. Afrooy si'aad u barato qiimaha haweenayda awoodda leh waxa aan kuu noqon tusaale kuma dhali doono aniga oo aan lahayn magac, cod, iyo hanti aan ku socodsiiyo aragti walba oo aan aaminsanahay. 

Afrooy, marka aad korto ee aad caqliyaysato waxa aan kun jeer hubin doonaa in aadan aaminin in bikranimadu ku qeexdo, waxa aan ku bari doonaa in aad iskaa qof jira oo jooga u tahay. İn sharaftaadu aysan ku xidhnayn jidhkaaga . Wax aad si qayaxan u baran doontaa in sharaftaadu tahay qofnimadaada, akhlaaqdaada iyo saad adigu doorato in aad u noolaato.

Afrooy marka aad wiil jecaato ee aad ii timaaddo adiga oo faraxsan hawadana maraya, waxa aan aniga oo dhoolla-caddaynaya kugu oran doonaa. "Ku dhex noolow jacaylkaaga, ku farax, kuna qaado waqtigaaga dhalinyaranimada xasillooni."

Waxa aan hubin doonaa in aadan aaminin in jacaylka raggu yahay waxa na qeexa dumarnimo. Waxa aad si waafi ah uga dhargi doontaa sida ay tahay gabadhu marka ay wax jeclaato. Waxa aan ku siin doonaa buugaagtayda xasuus qorka waxa aadna si aan ka cabsi lahayn u akhrisan doontaa sidii qarsoodiga ahayd ee aan ku qaatay maalmahaygii dhalinyaranimo markaas baad hubin doontaa haweenayda dhabta ah in aysan ahayn tan jacaylka u guursata ee ay tahay tan jacaylka u noolaata. 

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara