5/20
CAQLİYADDA DUMARKU WAY KU DHALEEN.
Dumarku ma waxa ay xurmo ku mutaysanayaan in ay ku dhaleen, mise waa bini'aadam xurmo mudan hadduu wax dhalay iyo haddii kale ba?
Haddii xurmaynta dumarku ku xiran tahay hooyo nimada kuwa aan weli guursan ayaga maxaa lagu xurmaynaaa? - Haa. Way kula dhasheen ayaa la oranayaa. - Haye wiilka aysan gabadhi la dhalan isaga qalbigiisa maxaa lagu jilcinayaa?.
Waxaa wax iska caadi ah bulshadeenna dhexdeeda ka ah, haddii wiil iyo gabadh carruur ahi is dagaalaan halkii gabadha khaladkeeda la tusi lahaa, wiilkana sidoo kale loo sheegi lahaa in uu dagaalamo in ay khalad tahay ayaa afarta dhinac habro dhoobani waxa ay ku qaylinayaan "Alla wuu ceeboobay, gabadh buu gacan u qaaday. Waryaa ma waysan gabadhi kula dhalan?." İlmo 10 jir ahi sidee ayuu iskugu xirayaa xiriirka ka dhaxeeya gabadhaan uu la dagaalay iyo walaashiisa xaafadda joogta.
Gabdhihii ayaguna sidoo kale waxa ay la qabsadeen arrinkaas ah gabadh weeye iyo yaan la taaban. Anigu uma arko wax lagu farxo in inta la igu xad-gudbo gabadhnimadayda darteed la igu daayo halkii qofnimadayda haddii aan khaldanahay khaladkayga laygu saari lahaa, haddii layga khaldan yahayna xaqqayga la i siin lahaa aniga oo aan dhedignimadayda meesha la keenin.
Hadda oo qarnigii 21aad lagu jiro weli waxa aad si maalinle ah ula kulmaysaa gabdho uusan caqligooda ka korin dumar baa tahay in ay wax ku helaan. Waxa aad arkaysaa gabadh inta nin wax ma tare ah marinkiisa marisa halkii ay halkaas ka bixi lahayd la soo istaagaysa aniga oo dumar ah ayaa sidaas ku yeelay. Ma aaminsana in ay cid wax yeeli karto ayada oo dumar ah.
Macquul maaha in aad la kulanto gabadh la gu dhahayo naa wiilal miyayna kula dhalan maxaad wiilka ugu xad-gudbaysaa miyuusan Aabbe ku dhalin weligaa miyaad aragtay? Ma aadan arag sababta oo ah labku waa insaan iskii u jira oo aan qof kale ku tiirsanayn.
Adigu insaan iskii u jira ayaad tahay. Waxa aad xaq u leedahay in qofnimadaada lagugu ixtiraamo.
Qofka dhihi doona waxa aad xurmo ku leedahay hooyo nimadana isaga ayaa ka xun qofka kugu xad-gudbay.
Adiguna wiilow hooyadaa iyo walaashaa awgood ixtiraam cidina kaagama rabto ee waxa aad ku khasbantahay in aad dumarka xurmayso adiga oo aan hooyadaa waxba lagaaga sasaban.
Xaqiiq. Lkn... Si aad fikirkan somalida oo kaliya uga badasho waxad ubaahantahay halgan adag iyo kun sanadood.
ReplyDelete