4/20



MİYAAD GARANAYSAA WAX KA QAKSAN KEYDSİGA XASUUSAHA?!



 

Xasuustu waa waxa ugu qaalisan, uguna xanuunka badan waxa insaanku haysto. Xasuusashada maalmihii carruurnimo waxa ay leedahay dareen aan wax booskiisa gali kara weli dunida laga hindisin. Haddii maalmuhu ahaayeen kuwa xanuun badan kuwa aan lahayn naxariistii waalidnimo, kulaylkii laabta hooyo, daryeelkii iyo wax bixintii Aabbe xasuusta carruurnimo waxa ay noqonaysaa cudur aysan si kasta oo ay is kugu dayaan aysan dawayn karin dhakhaatiirta caalamka oo idil haddii ay isku yimaadaan.

Miyay jiraan wax u dhigma cadarkii ka soo carfiyay gabadhii/wiilkii koowaad ee aad shukaansi ku la kulantid bilowgii qaangaarnimadaada soo weli boos kuma laha laabtaada sidii wax walbaa u dhacayeen qalbigaagana ma deggana oo deegaan ka ma samaysan ayada oo ay macquul tahay in qofkii cayn kaas ahaa aadan ogayn meel uu adduunka kaga sugan yahay wax rabitaan ahna aadan u hayn in aad ogaatid.

Xasuustaada miyay ka go'aysaa maalin si arxan darro ah Macallinka dugsiga quraanku ama Hooyo kugu dishay khalad yar oo aad gashay soo weli kuma dhex noolaatid daqiiqadihii kharaarka badnaa. Xasuustu sidaa ayay qaali u tahay. Hadda madama aad wayn tahay oo aad awooddo in aad keyd ka dhigato xasuuso qaali ah maxaa kuu diidaya?.

Caqligaaga ka go'i mayso heesta aad dhagaysato waqtiga aad murugaysan tahay sidoo kale maskaxdaada ka fuqi mayso laxanka heesaha aad dhagaysatid waqtiga aad faraxsan tahay.
Anigu weli waan xasuustaa heesihii hooyo ku luuqayn jirtay ayaga oo aan music lahayn carruurnimadaydii, markii aan waynaaday ee aan dib u dhagaystay waxa ay dib iigu celiyeen waqti iyo xilli wax walba kaga duwanaa kan aan maanta noolahay.

Aniga caqligayga iyo qalbigayga waxaa ka buuxa xasuuso aan qeybtood dunida oo dhan dhaafsan lahaa si'aan mar labaad ugu noolaado, sidaas oo kale waxaa maankayga jiifa xasuuso aan wax walba oo aan haysto ku baddalan lahaa si maankayga looga dhaqo oo aanan dib dambe u xasuusan. Hadda waxa aan helay awood aan ku kaydiyo xasuusaha qurxoon aan qoro oo aan diiwaan galiyo maalmaha xarfadda, wanaagga iyo jacaylka kuwa igu xeeran. İn aan sawirro qurxoon ka qaado wax walba oo aan ka helo kadibna aan buuggayga ku kaydiyo ayaga oo waraaq ah. Taasi waxa ay i siisaa awood aan kumanaan jeer ugu noqdo waxa aan jeclahay aniga oo aan ka caajisayn.

Kuwa aad jeceshahay u hadyee xasuuso aan si fudud ku dhumayn, la qaado waqtigaaga kan ugu qaalisan. 
Xasuusnow in xasuustu aysan weligeed dhammaanayn halka wax kasta oo dunida yaallaa ay leeyihiin xilli ay noqonayaan wax aan jirin. 

Waxa aan idiin dardaarmayaa carruurta in aad siisaan xasuus qurxoon, in aad xilliga carruurnimada uga dhigtaan mid ay u hiloobaan ee uusan noqon mid carruurta xataa necbaysiiya marka ay waynaadaan oo caqligoodu ku daxalaysto xanuunkii iyo xasuusihii xumaa. Weliba haddii aad waalid tahay waqti ku bixi sidii aad ilmahaaga xasuus fiican ugu kaydin lahayd. Dhabtii ma xasuusan doonaan dhadhanka cuntada aad ku daalayso shaqaynteeda waqtigaagana aad ku luminaso, waxa ay xasuusnaan doonaan maalmaha farxadda ee aad la qaadato iyo sheekooyinka aad uga sheekayso. 


Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara