WAA MUWAADİNAD


WAA MUWAADİNAD

Markasta oo aan soo xasuusto dhacdada aan kula wadaagi doono indhahaygu waa ay ilmeeyaan, waxa aan si daran uga damqadaa damiir xumadii waqtigaas i haysay, si kasta oo aan iskugu dayay in aan is hilmaamsiiyo dhacdadaan waan awoodi waayay.

Galab roobban, jawi aad u qurux badan naftuna jamanayso ayuu ahaa inkasta oo deegaanka ay ka jirtay amni darro ka dhalatay qaraxyo iyo dilal lala beegsanayay dadka magaalada ugu indheer garadsanaa haddana jawiga galabtaas jiray waxa uu ahaa mid ka madax bannaan wax kasta oo xumaan ah qalbiga bini'aadamkuna tabanayo. 
Da'daydu ma yarayn oo waxa aan markaas madaxa galiyay gugii 15aad, waxaase aan garan la'ahay waxa igu sababay in aan sidaas u dhaqmo. Waxa aan isleeyahay in ay saamayn igu yeelatay dhaq-dhaqaaqa magaalada ka jiray, tacsida iyo tiiraanyada dad badan oo ii dhawaa Abtiyaal iyo Adeerba leh ayaa u dhintay sababtaas aan kor kusoo xusay taasi waxa ay damiirkayga u kicinaysay si ka badan sida ay u saamaynayso qofka aniga ila midka ah. 

Waxaa socday dhaq-dhaqaaq looga soo horjeedo dadka aan magaalada u dhalan marka aan sidaas ku leeyahay uma jeedo dad ajnabi ah ee waxa aan ka hadlayaa waa dad soomaali ah, deegaan ah xaqna u leh dhulka balse faquuqa iyo kala fogaantii bulshada soomaaliyeed ka dhex dhacday ayaa sababtay in qof walba magaaladii awoowgiis ku dhashay uu sheegto amaba uu dareemo in halkaasi tahay halka uu dhaladka u yahay, dhulka intiisa kalana uu ajnabi ku yahay.

Aniga iyo gabdho aan saaxiib nahay ayaa kasoo wada baxay iskuulka, jawigaas cuddoon iyo xareedaas dhulka waran annaga oo ku damaashaadayna kana sheekaysanayna sheekooyin xiiso la leh gabdho da'daas ah ayaa si kadis ah aniga oo aan arkayn waxa aan ugu dhacay wiil yar oo baalashle ah, halka aan maraynay waxa ay ahayd meesha magaalada ugu saxmadda badan huteello badan oo iska soo horjeeda iyo makhaayado dhexdood ayay ahayd. Wiilkii yaraa dhulka ayuu fadhiyay oo waxbuu baalashayay ma aqaan sida aan u arki waayaye waan ku dhacay isaguna si kadis ah ayuu inta u booday waxa uu goonadii aan xirnaa oo kalar caddays ah lahayd ku dhuftay baalashkii uu wax marinayay, marka aan arkay maradaydii oo madoobaatay magaalada dhexdeeda waan xanaaqay waxa aana jawaab celin uga dhigay in aan wax laad ah uga dhuftay daasaddii bulushyadu ugu jireen ee dhiniciisa taallay, waa uu qayliyay markaas buu dhankayga usoo orday, da'diisa waxa aan ku qiyaasay 12jir illaa 13 jir waxa uu ahaaba isaga oo xanaaq faro badani ka muuqdo indhihiisana ay ka muuqato in aan ku xad-gudbay ayuu dhankayga usoo orday, anigu waxa aan u diyaarsanaa in aan indhaha salkooda ku dhufto oo aan garaaco, bal maxay iga dhimi lahayd haddii aan raalli-gelin lahaa haddii aan dhihi lahaa "Aboowe shaqo adag baad haysaa, kumana arkayn oo aniga oo aan kuu jeedin ayaan kugu dhacay ee iga raalli noqo igana saamax khaladkaas." Maxay iga goyn lahayd haddii aan si naxariis ah ula hadli lahaa una sheegi lahaa in uu ka bixi doono noloshaas adag ee ku khasabtay in uu wadada dhinaceeda la fariisto baalash isaga oo asaagiis waxbarasho u dareereen, isaga oo kuwii la da'da ahaa aysan ka fakarayn wixii ay cuni lahaayeen isaguna uu qorraxda u fadhiyo sidii uu usoo dhacsan lahaa bariiskiisa.

Meesha ay arrintu ka dhacayso waxaa fadhiya rag badan oo odayaal u badan, kuraas ayaa safan oo waa galab la iska casariyaynayo jawiguna aad u qurux badan yahay, Alla xumaydaa ma galabtaas ayaa ku wacnayd galab aadane la dulmo laguna xad-gudbo. İsaga oo dhankayga usoo socda ayaa waxaa kacay oday kamid ahaa dadkii meesha fadhiyay oo isagu aad noogu dhawaa marka aan hadalkiisa maqlayba waan gartay oo waxa uu ahaa mid kamid ah Nabadoonada magaalada, mid kamid ah ragga la xushmeeyo ee sumcadda ku dhex leh bulshada deegaanka. Odayga nabadoonka ahi aniga wax aqoon ah iima uu lahayn keliya waxa uu ii arkayay gabadh magaalada u dhalatay, wiilkii yaraa oo dhankayga usoo ordaya ina caayaya ayuu halmar cod qeylo ah ugu yiri "Waryaa sidee adiga oo ah reer hebel ugu dhiirran kartaa in aad ku xad-gudubto welibana usoo farabaxsatid gabadh muwaadinad ah" Anigii waan isku naxay runtii ma filayn hadalkaas inkasta oo waqtigaas uusan wacyigaygu u korranayn sida uu hadda u koray haddana xumaan yar ayaan qalbiga ka dareemay, wiilkii yaraa halmar ayuu istaagay sidii in koronto ku dhagtay, intii uu taagnaa ayaa oday kale oo isna geeskeenna fadhiyay isna inta qoslay yiri "Waa muwaadinad."Odayaashii oo dhan baa qoslay markaas bay dhaheen "Waxa ay iskugu keen darayaan in ay habeen iyo maalinba na laayaan, oo ay madaxa noo duubtaan iyo inay inta nagu dhex koraan gabdhahayaga baacsadaan." Wiilkii yaraa marka uu maqlay hadalka odayaasha iyo in meesha la keenay dil iyo madax duubasho ayuu isagii oo dhan aniga oo ujeeda inta is galay gorodda laalaadiyay, taas waxaa dheerayd in yarka laftiisu uusan moogayn arrinta ah dilka iyo madax duubashada laga tirsanayo. 

Waxba yaanan hadal kugu daaline marka qeyladii odayaashu isqabsatay ayuu inta anfariiray u cararay dhankii kasoo horjeedkiisa ahayd, waa dhankii aan anigu ka xigay markaas ayay haddana u maleeyeen in uu aniga igu soo ordayo oo ay haddana ku sii qeyliyeen, isagu aniga iima ordayne orod buu isjaray, wuu naxay oo gees laga jiro garan waayay. Bal adiguba suurayso ilmo yar oo da'daas ah loona haysto dambi uusan waxba ka ogayn.  Malaha waxa uu mooday in la xiri doono mise in loo haysto danbi uusan galin, waan hubaa oo daasaddiisii uu wax ku baalashayay xataa waa uu ka cararay, waxaa taas sii dheer in uu kabo badan baalashay kuwo kalana baalashayay oo uusan lacagtiisii qaadan. Labo kale oo agtiisa fadhiyay ayaa ayaguna inta daasaddiisii iyo agabkoodii ay wax ku baalashayeen inta qaateen ayaa ay u ordeen dhankii uu isagu u cararay. Anigii wax aan sameeyo ayaan garan waayay runtii ma filayn waxa meesha ka dhacay iyo sida hawshu noqotay intii aan jidka xaafadda sii hayay oo dhan gabdhihii asxaabtayda ahaa waxa ay igu hayeen "Fadumo, maxaa ku helay? maxaad la aamusantahay?" İntii aan jidka sii socday oo dhan waxa ay maskaxdaydu sawiranaysay sida foosha xun ee aan u dhaqmay, dareenka xun ee aan ku sababay wiilkaas yar been kuu sheegi mayo ee anigu ma filayn waxa meesha ka dhacay, caqligaygana waa ay ka waynaatay mar waxa aan eegayay goonadaydii oo qaarka dambe oo dhan ka madow marna waxa aan iswaydiinayay waxa ku kallifay odayaashaas waayeelka ah in ay ilmahaas yar sidii ula dhaqmaan. 
Gurigii markii aan tagay ayaan arrintii la wadaagay dadkii xaafadda markaas bay ayaguna iigu jawaabeen hebel (Waa odaygii nabadoonka ahaaye) waa nin karmeed, ilaahay cimriga ha u dheereeyo."

Midda kale oo aniga fajacisada igu reebtay waxa ay ahayd in aan hubay haddii wiilkaas yari ahaan lahaa mid deegaanka u dhashay oo aan dushiisa laga garanayn in uu dool ku yimid, waxa aan hubaa in ay i dhihi lahaayeen "Naayaa, adoo dumar ah sidee lug ugu taagtay nin rag ah, sidee ugu dhiirratay in aad ku kacdi edeb darro heerkaas le'eg?" Marka aysan joogin cid kale oo la dulmo annaga dumarka ah ayaa ah cidda koowaad ee lagu xadgudbo markaa miyaan qabyaaladooda u arkayaa in ay aniga i difaaceen marka aysan iga difaacayn kuwa ila deegaanka ah. Wiil yar oo baalash wata ayay sidaas uga kaceen odayaashu maalin walbana kufsi ayaa dhaca magaalada isla ayagaas ayaa xalliya oo lacag iyo maal inta ku qaata dhiigga gabdhaha masaakiinta ah iska dhigaya in ay aniga i difaacayaan. Miyaan ka liitaaa miyay aniga caqligayga ku addoonsan karaan qabyaaladda ayaga qalbigooda hurisay.

Aniga dhacdadaasi waxa ay igu noqotay sida bar wasakh ah oo igu taalla runtii weligay ma filayn in cunsuriyad iyo qabyaalad heerkaas le'eg aan goob joog u noqonayo, waxaase taas kasii nasiib xun in maanta bulshadeenna soomaaliyeed oo dhami ay sidaas wada noqotay, in dadkii ayaga oo islaamnimo sheeganaya ay u dhaqmayaan si aysan gaaladu u dhaqmin. Maxaan kala yaaabayaa maanta anba haddii aan joogi lahaa yarkaas magaaladiisa waxa aan la kulmi lahaa taas uu la kulmay iyo mid ka xun. 

İ aamin qoraalka aan dhacdadaan qorayo waxa aan dareemayaa in wixii ugu xumaa ee igu dhacay ay tahay ahaanshaha aan soomaali ahay, sababta oo ah waxa aan leeyahay qalbi aysan macquul ahayn in bulshadaan lagula dhex noolaado, waxa aan si daran u aaminsanahay Sinnaanta bini'aadamka taasina waa riyo aan macquul ahayn marka qowmiyaddaan la dhex joogo.

W/Q: Fadumo M. Alimaad

Comments

  1. masha allah walaal faadumu Qormo dareenle weeye .

    ReplyDelete
  2. Saaxiib waad ku fara yaraysatay qaabka aad xaaladdaas u soo bandhigtay. Bravo.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara