MİYAAN KU KHAL-KHAL GELİNAYAA?




MİYAAN KU KHAL-KHAL GELİNAYAA?!

Haddii aan caqligayga adeegsado haddii aan hibadayda soo bandhigo, haddii aan ku tuso in aanan u uumanayn in aan adiga kaa hooseeyo ee aan anigu ahay cidda muhiimka ugu wayn u ah dunidaan aan ku kor noolnahay miyaan ku khal-khal gelinayaa?!

Miyaan ku khal-khalgelinayaa haddii aanan quruxdayda keliya soo bandhigine caqligaygana aan miiska keeno, miyaad u muuqanaysaa mid aan muhiim ahayn haddii aan ku tuso baahida keli ah ee aan kuu qabaa in ay tahay tan ka dhaxaysa rag iyo dumar aadamaha oo dhan. 

Miyaad xishoonaysaa haddii aan cashadeenna koowaad anigu bixiyo biilka, miyaad khal-khal dareemaysaa haddii aan kuu sheego in aan ahay anigu naag isku filan, naag mar hore garatay jiritaankeeda iyo macnaha ay ku fadhido.

Miyay adag tahay in aad iska illowdo hadalkii hooyadaa ee ahaa "Waa naag, ayada halka booskeedu yahay waa jikada." miyay sidaan oo dhan u tahay wax aan la aqbali karin in gabdhaha casrigaani yihiin kuwa keli ah ee awooda qabashada howl walba ayaga oo aan caawimaad helin. 


Miyaad cabsi dareemaysaa haddii xaaskaagu awooddo in ay kafaale qaaddo nolosha carruurteeda, miyaad u malaynaysaa in booskaagii ninnimo daciif ku yimid, adiga oo si fudud ugu noolaan kara noloshaas isku dheelli tiran?!

Miyaad doonaysaa in aad waddo dood aan guul laga gaarayn, miyaysan middaas ka fududayn in aad aqbasho xaqiiqada ah in bulshadu aysan horumar gaari karin ayada oo midkeed hooseeyo?!

Comments

  1. Waan jecelahay Gabadh Is Kharash Garaynaysa Inaan Guursado wayna Fiican yihiin HablaHa Sidan Oo Kale Ah ❤️👸

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara