MA JOOJİN KARO QORAALKA


Ma joojin karo qoraalka, ma caawin karo indhahaygaan ku dhow in iftiinku ka dhammaado. Haddii riyadaadu tahay in aan kaa jeclaan doono waraaqahayga waxa aad ogaataa in aad naftaada been u sheegayso. 

Ma dhigi karo qalinka, ma nasin karo farahaygaan ku dhow in ay xubinta ka go'aan. Haddii malahaagu yahay in aan miiska jikada taagnaan doono in ka badan inta aan kumbuyuutarka kor fadhiyo, waxa aad ogaataa in aad malahaaga mala-awaal ku sabayso. 

Ma laabi karo buugga, sariirta ma tagi karo aniga oo aan gaarin faqrada ugu dambaysa cutubka. Haddii hamigaagu yahay in aan carruur tiro badan kuugu hayn doono laabta in ka badan inta aan ku gam'o buugga aan akhriskiisa wado, waxa aad naawilaysaa riyo aan run noqon karin. 

Ma macasalaamayn karo quruxdayda, ma dooran karo in aan galo nolol iska daba wareeg ah. Haddii aad filayso in aan ku celcelin doono hadbana kaa waardiyayn doono in aad naag kale guursato, waxa aad taagantahay albaabka tii ku dareensiin lahayd in noloshu tahay kaliya shay labo qof wada waddo, midkoodna aan dheeri laga filanayn.

Comments

  1. Intaaba hadaadan ka helayn hakaa la,aado

    ReplyDelete
  2. Haddii ay jirto qof Abaalmarina iyo mahad celina mudan waa adiga walaal.

    ReplyDelete
  3. is fahanka ayaa nolosha ugu macaan, intii mid ba ka kale dooni lahaa in uu doonistiisa sandulle ka ga dhigo.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara