XASUUS AAN TİRMAYN Q:4AAD
La kulankii aan axmed la kulmay waxa uu ahaa go'aankii ugu khaldanaa ee aan abid gaaray waxa aan kala soo kulmay yaraysi iyo quursi uuba i quursanayo aniga. Waxa uu igu soo yiri "Aniga Aabahaa ayaa ii ballan qaaday in uu ii kaa guurin doono, ee anigu waligay baanan go'aan aan leeyahay ku guursadeen dhoocil yar oo aan dhalashadeeda ogaa. Haddana wan u sheegayaa Aabahaa xurma darrada aad igula kacday aniga oo nin wayn ah sharaf iyo sumcadna ku dhex leh bulshada aan la joogo. Wixii itaalkayga ahaa waan iskugu dayay in aan ka dhaadhiciyo in uusan xaalku sida uu u fahmay uusan ahayn aniguna isaga aanan si shakhsi ah u nacayn ee aan qof kale jeclahay. War waxa aan ugu dhameeyay sharaf iyo sumcad hadad leedahay ilaasho oo maskaxdaadana ku hay habeen iyo maalin toonna in aanan ku guursanayn.
Orod baan uga soo baxay meeshii aan kula kulmayay, intii aan jidka soo socday waxa aan dhawr jeer ka labalabeeyay in aan Zakariye u tago una sheego halka wax marayaan haddana caafimaadkiisa ayaan u cabsaday naftaydana waxa aan u sheegay in wax walba ay xallismayaan.
Waa subixi ka dambeeyay galabkii aan axmed lasoo kulmay jawigu aad buu u qrux badnaa taleefan ayaan cabaar kala sheekaysanayay Zakariye oo uma aanan tagin. waxaa la joogay maanta habaryarihiis oo ayaga ayaa maanta ku qornaa in ay isbitaalka ku hayaan taas oo aniga iga hor istaagtay in aan waqti la qaato midka maankayga hantiyay. Korkayga waxaa lulatay bumbo aan ogahay inay mardhow igu qarxayso waxa aan uga jeedaa marka Aabbe ogaado aniga iyo Axmed wixii nasoo dhex maray.
****
Markii aan qadadii diyaariyay ayaa waxa aan maqlay Aabbe oo hoonka gaariga u yeerinaya si is daba joog ah, deg deg ayaan albaabka uga soo furay waan dareemay in wax jiraan marka uu gaariga kasoo dagayba gacanta ayuu inta isoo qabtay si xoog ahna iisoo jiiday ayuu iila soo dhaqaaqay dhanka qolka fadhiga. Albaabka marka uu iga galiyay qolkii ayuu salka dhulku iigu dhuftay aniga oo illintu indhahayga buuxisay korna usoo eegaya wajigiisa carada leh ayaan iri Aabbe "Shaydaanka iska naar! Maxaa ku helay!." Qeyladiisii ayaa waxaa maqashay gabdhii yarayd ee walaashay ahayd oo markaas iskuulka ka timid waxay usoo carartay dhanka qolka qeyladu ka yeeraysay.
Waa markii iigu horaysay oo aan Aabbahay kala kulmayo jirdil iyo wax u egba inkasta oo waxbadan canaantiisu igu dhici jirtay haddana waa markii koowaad oo ii gacan ii qaadayo. Ayada oo ordaysa ayay albaabka kasoo gashay markaasna uu Aabbe suunka ii furtay oo uu labo jeer igu laabay, inta ay soo boodday ayay isku kay duubtay ayada oo ku qaylinaysa "Aabbe Asma haddii aad disho ayadana yaa noo haray oo aan la noolaanaynaa." halmar ayuu si'aan ula kac ahayn ugu dhuftay ayadana suunkii aad ayuu u jecelyahay Sumayo yaray waa uu qaadi kari waayay oohinteedii isaga oo aan hadal oran suunkiisiina laalaadsanaya ayuu qolka banaanka uga baxay.
Cabbaar ayaan isku oynay aniga iyo sumayo yarey inkasta oo uusan hadal i dhihin haddana waan ogahay sababta uu ii dilay, waxan garwaaqsaday illaa iyo heerka ay Aabbahay ka joogto arrinta guurku taasoo sababtay in uu gacan u qaado gabadhiisa curada ah ee aan waligeed xaadeeda suun iyo ul toona loo quurin.
Waxa aan u cararay dhanka qolkayga waxa aan soo qabsaday taleefankayga waxa aan wacay Zekariye waxa aana go'aansaday in aan waxwalba u sheego intii ay xaaladu faraha ka bixi lahayd hadii la doonana khasab la iigu guurin lahaa isaga oo aan waxba kala socon, hadhowna uu u qaadan lahaa in aan khiyaameeyay oo aan meel uga dhacay jacaylkii baaxadda lahaa ee na dhex yaallay.
Aniga oo ooyaya ayuu iga qabtay isla markiiba wuu dareemay in wax iga khaldanyihiin. Waxa uu yiri "Wax yar isug" waxa uu la hadlayay dad la joogay isaga oo leh daqiiqad yar ii dulqaata call ban rabaa in aan si gooni ah ugu hadlee kadib ayuu iisoo laabtay. Waxa aan u sheegay wax walba aniga oo illintu iga tifqayso hadalka kaliya ee uu kusoo celcelinayay waxuu ahaa "Fadlan ha ooyin wax walba way xalismayaane kaliya waxan ogolahay duugtayda oo kali ah in illini indhahaaga kasoo dhacdo, Ma xamili karo aniga oo dunida guudkeeda saaran in gabadha kaliya ee aan dumar ka doortay ay i maqashiiso codka oohinteeda halkii aan ku raaxaysan lahaa dhawaqa qosolkeeda." Waxa uu iigu laab qaboojiyay xal waan helaynaa marna adigu ha rajo dhigin waa ballan wan kuu dagaalamayaa illaa maalinka ugu dambaysa noloshayda!.
Aniga habaryarahay ma joogin magaalada aan ku noolayn oo hooyaday waxa ay kasoo jeedday deegaan aad uga fog meesha aan degannahay hadda oo ah magaalada Hargaysa oo ahayd halka reerka Aabbahay deganaayeen ma aysan jirin Abtiyaal ama habaryaro aan u cararo oo aan talo waydiisto, Eedooyinkayna ayaga ayaaba kow ka ahaa cida u ololaynaysa arooskayga.
Salaaddii casar kadib ayaa waxaa guriga yimid walaalkay Xasan oo dhawr neef oo ari ah wada waan gartay in isla markiiba ay yihiin arigii la qali lahaa xafladda arooska cidna ila hadli mayso oo wax ii sheegi mayso waan gartay in la isku afgartay in ayada oo aan waxba la ila socodsiin horay laga bilaabo qabanqaabada xafladda arooska.
Boorsadaydii gacanta inta aan soo qaatay ayaan usoo cararay dhanka isbitaalka ma waxa aan ciirsi bidayaa ninka aan awoodin isagu xataa inuu xaajadiisa guto yaa i caawin doona oo iga saacidi doona silsiladaan murugta iyo walbahaarka ah ee cagaha ii gashay. Waxa aan albaabka kasoo galay qolkii uu jiifay zeki mise waxaa ku jira hooyadiis iyo qof kale oo dumar ah gacantana ku haysa qaaddo ilbiriqsi haddii aan sugayba waxa ay usii wadaa dhankiisa oo mushaali/Boorash ayay afka ugu guraysaa. Waan is hayn kari waayay oo waan illoobay in hooyadiis xataa meesha joogtaye dhinaca kale inta aan kasoo istaagay ayaan iri "Maxay yihiin waxa aan arkayaa?! inta uusan ii jawaabin ayay hooyadiis tiri "dee waa Zekariye oo ina abtidiis afka boorash u galinayso ee adiga maxaa nagu soo kaa celiyay waa adigii habeenkii dhawayto aan maarada iskaga kaa waayaye?" İsagii ayaan eegay aniga oo sugaya in uu hooyadiis u jawaabo mise jawaab warkeedaba daaye waxa uu iska raamsanayaa cuntadii afka loo galiyay! inta aan si deggan u istaagay ayaan sadexdoodiiba midba mar eegay oo aan is iri Tolow ma wax aadan adigu fahamsanayn baa meesha ka socda.
Hooyadiis ayaa markaan go'aansatay in ay si cad iila hadasho haddii wiilkeedu uusan kartidaas lahayn. ayada i tiri "Eeddo, i maqal zeki waa uu xanuunsanyahay buuqna uma aan rabo lakin haddii uu hunguri kaaga jiro dhankiisa wiilkaan waxaa mar hore aan go'aan ku gaadhay in aan ina abtidiis Muna u dhiso İnsha allah marka uu soo caafimaado ayayna wax walba sida aan u qorsheeyay noqonayaan ee hooyo duco qabto adiga oo aan waxba indhaha ka mirigmirigsiin, adoo duulayaa nasoo gashaye tartiib gadaal nooga dag."
Aniga qorshahaygaba kuma jirin in aan qof waalid ah hadal adag ama xurmo darro ah iraahdo haddana tani waaba kasii xagjirtaa oo waa Zekariye hooyadiis aniga agtaydana hooyaday oo kale ayaan kasoo qaadayay.
İsagii ayaan marlabaad eegay oo iri "Qali, ma waadan maqlaynin waxa ay hooyo igu leedahay maxadan jawaab u bixinayn?"
si'aad moodid in uusanba kala jeclayn ayuu i yiri "Waa anigii awalba kaaga sheekayn jiray hooyaday in ay agoonimo igu soo korisay kaligayna ay dad iga dhashay. Marka waligay kuma talo jirin in aan ayada rabitaankeeda wax kasoo horjeeda sameeyo maanta ayayna iisoo bandhigtay arrintaan aniguna wan ku diidi kari waayay.
Aniga oo xanaaq hadli la' ayaan cadho hadlay oo aan iri "Aniga Aabbahay marka waa maxay? ma wax aan qiimo lahayn baa waa aniga hadalkiisa dartaa u jabinayaye? Marka aan waxwalba ku diidayay diyaarna u ahaa aniga oo nolol wanaagsan nin qurux badan oo wax walbaba diyaar iila ah aan adiga dartaa in aan u dagaalamo oo aan noloshaada yar ee jacaylka o kaliya ku dhisan aan u diyaar garoobo diyaarka u ahaa maxay ahayd?.
Hooyadiis baa marlabaad soo dhex gashay isagii oo aan ii jawaabin oo tidhi "Maandha duco qabto lacag iyo waxwalba hadii aad haysato helaysana orod doono annaga intayadan yar ayaa naga badane."
Si kama dambays ah ayaan u arkayay in wax walba oo dhexdeena yaalaa ay dhamaaden hooyadiisna ay furaha u hayso oo uusan nolosha u socon dhan aan ahayn dhanka hooyadiis u kaxaynayso. waxa aan si quus ah ugu iri kalmadii ugu dambaysay ee afkayga kasoo baxda "Waxa aan jeclaaday fulay, aniga oo u malaynayay in aan nin rag ah haysto ayaa waxa aan diyaar u ahaa in aan la dagaalamo rag iga ciidan iyo hub badan balse waxa aan arkay in qofka labada dhinacba iska tooganayaa aan aniga ahay la noolow naagta hooyadaa kuu guurisay bal in aad ka hesho jacayl oo ay hooyadaana jacaylka hadyad ahaan kugu keento." Ayaga oo isoo eegaya ayaan kasoo cararay markaas ayay ahayd markii iigu dambaysay ee aan codkiisa iyo muuqaalkiisaba arkay.
Labo beri kadib waxaa la ii saaray xinnihii waxaana la ii diyaariyay arooskii aniga oo qolka fadhiya ayaan waxa aan soo xasuustay hadal ay hooyaday igula dardaarmi jirtay marwalba kaas oo ahaa "Marna nolosha haka rajo dhigin ma waayi doontid waddo aad ku baxsatid marka dhamaan wadooyinku kaa xirmaan e." Waan hubaa oo hooyaday haddii ay noolaam lahayd kuma ay faraxdeen sida aan u adeegsaday dardaarankeeda iyo in aan arooskaygii kaga baxsanayo yeelkeede waxaa i gashay yididiilo cusub balse tani maaha mid iisoo celinaysa jacaylkii fulaynimadu qaadday. Waa mid aan naftayda kaga badbaadinayo in aan Oori u noqdo nin aanan jacayl haba yaraatee u haynin waan ogahay nolol aan noocaas ku galay marna in aysan isiin doonin natiijo wanaagsan.
Waxa aan soo diyaarsaday boorso dhex-dhexaad ah waxa aan ku gurtay dharkayga waxyaabihii ugu qaalisanaa iyo dhar hooyaday ay xusuus ahaan igaga dhimatay oo aan ayada ka dugsan jiray. Waxaa kale oo aan soo qaatay dhego iyo katiin hooyo lahayd oo anigu aan qaatay iyo waxyaabe kale oo yaryar. Warqad ayaan u qoray walaashaydii yarayd aniga oo u sheegay in aanan waligay ka maqnaan doonin una soo laaban doono ee aan kaliya naftayda ka badbaadin doono godkaan ay ku dhacayso waxan kula dardaarmay in aysan marna is dhiibin ayada kama walwalayn in ay dayacanto oo wiilasha ila dhashay iyo Aababa indhahooda way ka jeclaayeen.
La soco Qeybta 5aad.
Comments
Post a Comment