Sidee ayaan Lama-arkaan ku noqon karaa?







Ma doonayo in aan sii muuqdo, waxa aan rabaa in aan dadka korka ka daawado in aan eego sida ay xaqiiqo ahaanta yihiin sidoo kale aniguna ma rabo in aan noloshaan ku sii jiro ma rabo in cidi i daawato la falanqeeyo habdhaqankayga. 

Ma rabo nolol aanan u noolaan karin sida dhabta ah ee aan jecelahay muxuu yahay ujeedka noolaanshiyahaygu haddii aan ku khasbanahay buuxinta filashada islaamaha iyo odayaasha deriska ah, kuwa ay qoyskayga isyaqaanaan iyo magaalada aan joogo dadkeedaba?!

Haddii aan qaato go'aan aniga ii khaas ah waxa aanan ka nabad galayn sida ay dadka kale u arkaan? waad saxantahay oo hadda waxa aad isleedahay maxaa kaa galay sida dadka kale u arkayaan ficiladaada? waxa iga galay waxay tahay adigu maanta inta fakartid ma samayn kartaa go'aan adiga kuu khaas ah adiga oo aysan marnaba ku soo dhicin niyadaada sida ay bulshadu uga falcelin doonto? waa maya oo ma samayn kartid sababta oo ah bulshada aad ku dhex nooshahay waa meel dad waa hore dhintay maamulaan dadka nool fikirkoodana aan la tixgalin.

İi sheeg adigu soo ma aadan jeclaateen in aad Lama-arkaan noqotid, in aad dadka ku dhex noolaatid haddana aysan kuu jeedin in aad samaysid wax walba oo aad rabtid ayaga oo aan ku arkayn. Mise haddana weli waad iga shakisantahay oo waxa aad ii haysataa qof dadka wax wayn u aragta kana xishoonaysa kuna dhiirran karin waxa ay rabto.

Wiil baad tahay ama gabar waxa aad jeclaatay qof kuu qalma soomaali ah, wax walba oo aad rabtay aad ka heshay balse kuma dhiiran kartid in aad nolol la wadaagto sababta oo ah qabiilkiisa ayaa noqon doona wax ka caraysiiya waalidkaa, asxaabtaada iyo inta ku taqaanaba wax wayn baad u aragtaa marka ay ku dhahaan "Sidee ayaad midgaan ama madhibaan ku guursanaysaa miyaad waalantahay?!". Hadda soo ma aad ogaan sababta aan u rabo in aan Lama-arkaan noqdo mise weli wax ayaan kuu sii iftiimayaa?.

Gabadh yar oo hadda guursatay ayaad tahay nasiibkaagii oo xumaa awgii qofka aad guursatay maahayn qofkii aad naawilaysay, isla daqiiqadaasba waxa aad jeclaan lahayd in aad ka baxdo guurka waxa aadse ka baqaysaa sida ay bulshadu kuu arki doonto, sida ay kuu dhihi doonaan "Maxaa lagu soo furay ayada oo aan bil la qabin?". Hadda waxaan filayaa waad ila socotaa waadna ila garanaysaa faa'iidada ay lahaan lahayd haddii aad Lama-arkaan ahaan lahayd.

Wiil helay jacaylkii naftiisa ku habboonaa ayaad tahay, waxaad haysataa gabadhii aad weligaa ku riyoonaysay waxay rabtaa ayaduna in ay nolol kula yagleesho maxaase idin haysta ma taqaanaa arooska bulshadu filayso ma awoodaan, saaxiibtaa way ku raaci lahayd ayada oo aan kugu xujayn guri wayn, huteel iyo aroos fanaaniintu ka heesaan waxa ayse ka cabsi qabtaa cayda uga imaan doonta berri saaxiibadeed, sida hooyadeed iyo islaamuhu u liidi doonaan uguna tilmaami doonaan in ay meel raqiis ah is dhigtay guursatayna nin aan u qalmin. Markaan oo kale miyaysan wacnaateen in aad Lama-arkaan ahaataan?.

War iyo dhamaantiis Lama-arkaan in aan noqonno ma awoodno waxa aanse awoodnaa in aan bulshada Lama-arkaan ka dhigno, in aan qaadanno go'aan kasta oo nafteennu u arkayso in uu wax ku ool yahay wixii intaas kasoo harayna aan maskaxda ka faaruqinno.



Comments

  1. Faalada dadka kugu hareeraysan sida layska idha tiro ee aan loo danayn hadaad barato guuulo badan ayaad noloshaada gaadhaysaa runtii waan tijaabiyay dhaqankaas, waxaad dareemaysaa kalsooni saa'id ah iyo awoodahaaga qofnimo ee illaahay kugu manaystay. Thanks wllo

    ReplyDelete
    Replies
    1. In aad noqoto lama arkaan waa wax aad u wanaagsan ,maayeelay waxyaabo badan ayaab OO kugu soo wajahan ayaa ku gees maraya

      Delete

Post a Comment

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara