Posts

Showing posts from December, 2021

WAAYİHİİ ADKAA EE WARSAN Q:1AAD

İsaga oo dhulka eeg-eegaya, ma waxa uu ogaa in uu heli doono wax noloshiisa baddeli doona, mise si'aan ula kac ahayn ayuu u baadi goobayay wax dhulka uga dhumay waqti hore, ka ay tahayba waxa uu indhaha ku dhuftay bac buluug ah oo taalla wadada dhinaceeda, wuu shakiyay waxa uu is yiri "Ma laga yaabaa in ay qarax tahay, muqdisho aaminaad ma leh alaab meel taallana kaba sii darane ammay noloshaada galaafataa."  isaga oo sidii uga labalabayna in uu dhankeeda u dhaqaaqo kuna dhiirran la' in uu ka tago ayuu inta raganimo isgaliyay naftiisana ku yiri "Guuleed nin baa Alle kaa dhigaye, ama dhaqaaq oo xaafadaadii dhankeeda u jeenso ama inta baqdinta iska daysid soo eeg bacdaan daliigaha leh ee aad moodid in ay adiga ku sugayso."  Bacdu waa bac ay muuqato in aysan muddo meesha oollin ee dhawaan lasoo dhigay, waxa uu niyaddiisa iska yiri mar kale "waa ayada iskuulka Alraxma uu ku yaallo wadadaan dhinaceeda dambe e waxaa ay u badan tahay in carruurta iskuulku ay b...

MA JOOJİN KARO QORAALKA

Ma joojin karo qoraalka, ma caawin karo indhahaygaan ku dhow in iftiinku ka dhammaado. Haddii riyadaadu tahay in aan kaa jeclaan doono waraaqahayga waxa aad ogaataa in aad naftaada been u sheegayso.  Ma dhigi karo qalinka, ma nasin karo farahaygaan ku dhow in ay xubinta ka go'aan. Haddii malahaagu yahay in aan miiska jikada taagnaan doono in ka badan inta aan kumbuyuutarka kor fadhiyo, waxa aad ogaataa in aad malahaaga mala-awaal ku sabayso.  Ma laabi karo buugga, sariirta ma tagi karo aniga oo aan gaarin faqrada ugu dambaysa cutubka. Haddii hamigaagu yahay in aan carruur tiro badan kuugu hayn doono laabta in ka badan inta aan ku gam'o buugga aan akhriskiisa wado, waxa aad naawilaysaa riyo aan run noqon karin.  Ma macasalaamayn karo quruxdayda, ma dooran karo in aan galo nolol iska daba wareeg ah. Haddii aad filayso in aan ku celcelin doono hadbana kaa waardiyayn doono in aad naag kale guursato, waxa aad taagantahay albaabka tii ku dareensiin lahayd in noloshu...

WAA MUWAADİNAD

WAA MUWAADİNAD Markasta oo aan soo xasuusto dhacdada aan kula wadaagi doono indhahaygu waa ay ilmeeyaan, waxa aan si daran uga damqadaa damiir xumadii waqtigaas i haysay, si kasta oo aan iskugu dayay in aan is hilmaamsiiyo dhacdadaan waan awoodi waayay. Galab roobban, jawi aad u qurux badan naftuna jamanayso ayuu ahaa inkasta oo deegaanka ay ka jirtay amni darro ka dhalatay qaraxyo iyo dilal lala beegsanayay dadka magaalada ugu indheer garadsanaa haddana jawiga galabtaas jiray waxa uu ahaa mid ka madax bannaan wax kasta oo xumaan ah qalbiga bini'aadamkuna tabanayo.  Da'daydu ma yarayn oo waxa aan markaas madaxa galiyay gugii 15aad, waxaase aan garan la'ahay waxa igu sababay in aan sidaas u dhaqmo. Waxa aan isleeyahay in ay saamayn igu yeelatay dhaq-dhaqaaqa magaalada ka jiray, tacsida iyo tiiraanyada dad badan oo ii dhawaa Abtiyaal iyo Adeerba leh ayaa u dhintay sababtaas aan kor kusoo xusay taasi waxa ay damiirkayga u kicinaysay si ka badan sida ay u saamaynays...

MİYAAN KU KHAL-KHAL GELİNAYAA?

MİYAAN KU KHAL-KHAL GELİNAYAA?! Haddii aan caqligayga adeegsado haddii aan hibadayda soo bandhigo, haddii aan ku tuso in aanan u uumanayn in aan adiga kaa hooseeyo ee aan anigu ahay cidda muhiimka ugu wayn u ah dunidaan aan ku kor noolnahay miyaan ku khal-khal gelinayaa?! Miyaan ku khal-khalgelinayaa haddii aanan quruxdayda keliya soo bandhigine caqligaygana aan miiska keeno, miyaad u muuqanaysaa mid aan muhiim ahayn haddii aan ku tuso baahida keli ah ee aan kuu qabaa in ay tahay tan ka dhaxaysa rag iyo dumar aadamaha oo dhan.  Miyaad xishoonaysaa haddii aan cashadeenna koowaad anigu bixiyo biilka, miyaad khal-khal dareemaysaa haddii aan kuu sheego in aan ahay anigu naag isku filan, naag mar hore garatay jiritaankeeda iyo macnaha ay ku fadhido. Miyay adag tahay in aad iska illowdo hadalkii hooyadaa ee ahaa "Waa naag, ayada halka booskeedu yahay waa jikada." miyay sidaan oo dhan u tahay wax aan la aqbali karin in gabdhaha casrigaani yihiin kuwa keli ah ee awooda qa...