Sidee ayaan Lama-arkaan ku noqon karaa?
Ma doonayo in aan sii muuqdo, waxa aan rabaa in aan dadka korka ka daawado in aan eego sida ay xaqiiqo ahaanta yihiin sidoo kale aniguna ma rabo in aan noloshaan ku sii jiro ma rabo in cidi i daawato la falanqeeyo habdhaqankayga. Ma rabo nolol aanan u noolaan karin sida dhabta ah ee aan jecelahay muxuu yahay ujeedka noolaanshiyahaygu haddii aan ku khasbanahay buuxinta filashada islaamaha iyo odayaasha deriska ah, kuwa ay qoyskayga isyaqaanaan iyo magaalada aan joogo dadkeedaba?! Haddii aan qaato go'aan aniga ii khaas ah waxa aanan ka nabad galayn sida ay dadka kale u arkaan? waad saxantahay oo hadda waxa aad isleedahay maxaa kaa galay sida dadka kale u arkayaan ficiladaada? waxa iga galay waxay tahay adigu maanta inta fakartid ma samayn kartaa go'aan adiga kuu khaas ah adiga oo aysan marnaba ku soo dhicin niyadaada sida ay bulshadu uga falcelin doonto? waa maya oo ma samayn kartid sababta oo ah bulshada aad ku dhex nooshahay waa meel dad waa hore dhintay maamulaan ...