Xijaab Soo Xiro

“Naa ma asturnide gadaal u laabo” ayaa dhagahayga ku soo dhacday markii aan damcay in aan galo albaabka Masjidka Cali Jimcaale. Saacaddu waxa ay ahayd cawa 6:54pm Ujeedkaygu waxa uu ahaa in aan Beydan Coffee ka soo qaato Xoogaa jawigaas furan ku nasto kadibna soo lugeeyo oo intaasi hawo ii noqoto. Aniga oo aad ula yaabay ninka waardiyaha ah hadalkiisa ayaan anigu is hubiyay. Dharkayga ayaan eegay mise waxa aan xiranahay Cabaayad wayn oo jidhkayga oo dhan aysan meelna ka muuqan, iyo khamaar kale oo ka sii wayn. (Waa dharka sawirka hoose ka muuqda). Aad ayaan ula yaabay caqliga ninkaas waardiyaha ah. Sida guud ee adduunka oo dhani wada yaqaanno meelaha qaar dhar ayaga u gooni ah oo la gu galo (Dress Code) waa ay yeelan karaan. Haddii ay taasi tahay mid jirtana waxa ay xaq u leeyihiin in ay albaabka ku soo dhajiyaan, barahooda bulshadana soo galiyaan. Aad ayaan u daallanaa, inta badan ee aan u soo lugeeyay iyo hab dhaqan xumada la igula kacay ma ahayn wax isu dhigma. Waxa aan d...