Posts

Showing posts from February, 2025

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Image
Filimadu waa sida muraayad oo kale, waxa ay ina tusaan xaqiiqooyin aad u xanuun badan, kuwaas oo laga yaabo in aan jeclaan lahayn in aan iska indho-tirno. Muuqaalkaan aan wada daawannay wuxuu xasuusin u yahay sida filimadu aysan kaliya u ahayn madadaalo, balse ay yihiin aalad xoog badan oo lagu muujiyo xanuunka taariikhda, lagu kiciyo dareenka bulshada, laguna hogaamiyo doodo qoto dheer. (Hotel Rwanda: The hutu arrive scene) Filimada aan daawanno ma ahan oo kaliya sheekooyin, ama madadaalo, waa aalad dib u qaabayn karta aragtideenna, waxay furi karaan indhahayaga, waxayna xitaa beddeli karaan sida aan u fahamno dunida nagu xeeran. Hotel Rwanda (2004): oo la sameeyay 10 sano kadib xasuuqii foosha xumaa ee Rwanda ka dhacay ayaa ah Markhaati Taariikheed oo cid walbaa dib u daalacan karto.  Filimkaan  waxa uu xambaarsan yahay xusuus kharaar oo taariikhda ah. Wuxuu dib noogu celinayaa xasuuqii Rwanda ee 1994, wuxuuna ina tusayaa sida hal qof – Paul Rusesabagina – uu u noqday badbaa...

Aniga iyo Xamarwayne

Image
Aniga iyo Xamarwayne Waa galab khamiis ah. Waxa aan xilli casar liiq ah ka soo baxay shaqada. Bajaaj ayaan raacay, kadibna dhanka Xamarwayne ayaan u dhaqaaqay. Naftayda wax ku dhex jira oo meelaha qadiimka ah jecel ayaa jira. Aniga qof kasta oo si dhow ii yaqaanna si wayn buu u garanayaa jacaylka aan taariikhda hore u qabo. Saaxiibtay ayaa hadda kahor annaga oo Cafe alaabo qadiim ah yaallaaan u soconna magaalada Denizli ee Turkiga waxa ay i waydiisay, "Maxay macno wayn kuugu sameeyaan, alaabaha qadiimka ahi?" Wax aan ugu jawaabo galabkaas ma helin, welina ma hayo waxaase aan is waydiin u baahnayn in haddii ay run tahay, aragtida tiraahda dadku nolol hore bay lahaayeen , in aan noloshaas horana aan jeclaa taariikhda, oo nololba nolol kale oo ka horraysay ay ii sii dhiibaysay.  Waxa ay bajaajtii si xowli ah ugu dhacday wadada. Jidka Vita Uno Oktobar marka aan marayay ayaan airpods kaygii xirtay. Heestii Hibo Nura ee Naftayda waan maaweeliyaa ayaa laxankeeda dhegahaygu macaansan...

Hooyo!

Image
Waxa aan daawanayay muuqaallo Tiktok Trend ka ahaa labo bilood kahor oo ay dumarku iskula talinayeen, “Haddii wax kugu dhacaan oo aad caawimaad u baahato, ku qeyli Hooyooy! halkii aad oran lahayd i caawiya ama erayo kale.”  Waxa aan soo xasuustay 10 sano kahor habeen fiidkii aniga oo taagan albaabka gurigayaga ayaa waxaa igu qabtay tuugo qoryo wadata. Waxa aan ku qayliyay Alla Hooyooy! Waxa aan xasuustaa in xaafadaheennii oo dhan isku mar la ga soo wada baxay. Weliba hooyooyinkii dariskeenna ahaa. Sidoo kalana waan arkay waqtiyo kale hooyadey oo si hagrasho la’aan ah bannaanka ugu cararaysa marar ay maqashay gabdho sidaas oo kale la cayrsanayo, ama tuugo heshay.  Erayga Hooyo ayaa waxa uu wataa dareen cajiib ah, dareen dumarnimo oo dabiici ah adiga oo aan hooyo ahayn xataa haddii aad aragto ilmo hooyadiis u ooyaya, waad u nixi oo aad eegi waxa aad u qaban karto.  Waxaa jirtay ayadana dhacdo kale oo maalin dhawayd aan la kulmay aniga oo wadada bajaaj ka raacaya. Mall horta...