Posts

Showing posts from November, 2024

Love Bombing

Ugu horrayn Love bombing ku waa farsamo ay isticmaalaan dadka dareenka dadka ka ganacsada. Qof aad hadda is barateen ayaa ku dareensiinaya jacayl xad dhaaf ah, ammaan faro badan iyo hadiyado hor dhac ah, kuwaas oo qalbigaaga u jiidaya dhanka qofka taatikadaan isticmaalaya.  Sidee la gu gartaa in Love Bombing la gugu samaynayo? 1. Ammaan xad dhaaf ah iyo ka bad-badin: Waxa ay ku dareensiinayaan sida in aad tahay qofka keli ah ee dunida ku dul nool, in aad tahay jacaylkoodii koowaad, sidoo kalana dareenka ay hadda ku gu dareemayaan aysan horay u arag. 2. Xiriir joogto ah: İnkasta oo in la wada xiriiro fiican tahay, haddana waxaa fiican in dadku qaataan waqti ku filan si’ay isu bartaan. Qofka farsamadaan adeegsanaya waxaa la gu gartaa in uu maalintii dhawr jeer ama ka badan ku soo waco sidoo kalana attention badan ku siiyo, farriimo badan oo farxad iyo jacayl ahna daqiiqad walba kula wadaago. 3. Hadiyado waawayn oo hor dhac ah iyo Jacayl qirasho deg deg ah: in uu qofku ku siiyo hadiya...

Isdiidooyinka Bulshada

Image
Waxa ay arkeen gabar dhiirran. Waxa ay dhaheen iimo ha loo sameeyo. Waxa ay maqleen gabar baa mustaqbalkeeda u shaqaysanaysa, oo jaamacad ku jirta. Waxa ay dhaheen mustaqbalka cabsi ha loo galiyo, dhagaha ha loo gu shubo “Raggu ma jecla naagaha wax bartay”  Waxa ay arkeen wiil dadaalaya. Waxa ay dhaheen  “Waa nin rageed, ha la taageero.”  Waxa ay arkeen gabar xafiis joogta oo si wacan u shaqaysanaysa. Waxa ay dhaheen “Sharafteeda ayaa halis ku jirta.” Waxa ay maqleen in hooyadeed suuqa khudaar ku iibiso, cad-ceeddu ku dhacdo oo ay dacdarro halis u tahay. Way ka aamuseen.   Waxa ay arkeen aabbihii oo masuuliyadiisii dayacay, qaadna gidaarka la fadhiya. “Waa askari hore oo soo dagaalamay, Alla muxuu halyeey ahaa.” Ayay qaraabadu ku qarisay hawl-gabnimadiisa.  Waxa ay arkeen gabdho faraxsan oo dalxiisaya. Waxa ay eedeeyeen gurigii ay ku baarbaareen iyo in  masuuliyaddii reerkoodu dayacay. Isla wiilashii oo ayaguna markooda dhulka maraya. “Maxay ahayd maah-maah...