WAXA UU YIRI
Waxa uu yiri hubka dhig, oo adiga oo aan difaac igaga jirin soo dhawoow. Soo dhawoow oo jacaylkayga diirrimaadkiisa dareen. Waxa ay ahayd go'aan khatar leh. Waxa ay ahayd khatar aan ku heli karo, jacaylkii ugu dhadhanka wacnaa, ama kii ugu saamaynta xumaa. Labada ka ay noqotaba aniga waxa ay ila ahayd baqdin. Haddii aan jacaylkiisa ku dhaco oo uu i guursado, waxa aan noqonayaa naag guursatay nin ay si waalli ah u jeceshahay taasna lama ammaanayn, oo qisooyinka dumarka dhibaatooday badi halkaas ayay ka bilaabmaan. Haddii aan jacaylkiisa waayo oo aan guuldarraystana waxa uu qalbigayga ku yeelan saamayn sababi karta in ay i dhaafiso la kulanka ninka carruurtayda u noqon lahaa Aabbaha ugu wanaagsan. Waan fakaray oo aan kumanaan jeer is waydiiyay sida noloshaydu noqon karto haddii aan qalbigayga adeegsado. Waxa uu markale i yiri Kontoroolka noloshaada hal daqiiqo oo kaliya aniga igu wareeji. Dareen dhadhanka ay leedahay marka cid kale adiga kuu fakarayso, ay ku xanaa...