KULANKOODII: GALABTA IYO JIGJIGA
Waa jigjiga goobtu. Waa casarka dabadiis. Taleefankeeda ayaa soo dhacay. -Nura waad timid soo maaha? -Haa shalay galab ayaan imid. - Jaanis ma haysaa galabta, aan kusoo wareejiyo magaaladee?. - Haa, Haddii ay adiga tahay cidda i wareejinaysa marna maya oran mayo. Waxa ay bilawday diyaar garow. Maanta baqdin badan ma jirto. Ma waxaa u sabab ah in ay dhul soomaaliyeed joogto, Afsoomaalina looga hadlayo oo ay ciiddeeda kalsooni ku qabto, mise kulankii koowaad haddii aysan farxad mooyee in yar oo shaki ah dareemin waxa uu qalbigeeda ku beeray kalsooni. Guriga ayay u tilmaantay. Bajaaj ayuu soo raacay. Wuu i yimid oo ay israaceen. Albaabka marka ay kasoo baxday ayay dareentay in roob tiix ahi da'ayo. Marwalba oo ay kulmaan jawigu waa roobban yahay taasi ma waxa ay ka turjumaysaa in dabeecadu xataa la rabto labadooda jawi qabow oo laabta hananaya. Rotana Cafe horteeda ayay bajaajtii soo istaagtay. Gudaha ayay u galeen. Kursi meel dhexe oo bannaan yaal ayay fariisteen. ...