Posts

Showing posts from May, 2025

Happy Mother’s Day

Image
 Waxa aan eegay taariikhda waxa aan xasuustay in ay maanta tahay, maalinta ay ugu yeeraan Maalinta Hooyada. Waan yaabay, oo aan haddana qoslay. Miyay hooyo u qalantaa hal maalin oo kaliya? Hase ahaatee waxaad mudan tahay in maalin walba la gu xasuusto oo jacaylkaaga waynankiisa loo dabaal dago.  Waligaa arki maysid hooyo oo muujinaysa daal. Adiga ayay ku garab taagan tahay marwalba. Riyooyinkaaga ayay u joojisay kuweeda. Xanuun ma dareento ayadu haddii aad adigu qandhan tahay. Waxa ay wax walba u illowdaa in ay adiga ku farxad galiso oo aadan ciil iyo caro dareemin.  Maalmaha aan aniga xasuustayda ka go’in waxaa kamid ah, maalin uu aniga dhaawac iga soo gaaray gacanta midig. Mindi ayaa si kadis ah iigu dhacday oo i kala dhanbashay jidhka iyo maqaarka. Dhiig faro badan ayaa dhulka ku daatay waxa uuna ahaa dhaawac aad u wayn. Hooyaday oo xanuunsan, muddo bil ku dhowna aan sariirta ka kicin, oo suuliga xataa la geeyo ayaa bannaanka ka maqashay codka qaylada carruurta oo ku q...