Happy Women’s Day
HAPPY WOMEN’S DAY Waxa uu usoo qoray farriin kooban balse macno wayn xambaarsan. “Happy Women’s Day.” Waxa uu ugu hambalyaynayaa maalinta haweenka, dhoola-caddayn khafiif ah ayaa bushimaheedu xadeen intii ay eegaysay qoraalka. Si deg-deg ah ayay u qarsoontay farxadii yarayd marka ay maskaxdeedu xasuusatay in uu xalay farriin tan lamid ah “Macquul maaha qorshahaan aad ku fakaraysid, lacag iyo waqtiba waa uu ku lumayaa.” ayuu ku yiri mar ay la wadaagtay mid kamid ah riyooyinkeeda u waawayn. Taleefankii ayay iska dhigtay, waxa ay usoo baxday bannaanka waxa ay damacday in ay bajaaj u raacdo meel ay u degdegsanayd bajaajlihii ayaa waxa uu u sheegay lacag qaali ah oo aan ahayn tan meesha la gu tago. Haddii ay tiri waxaasi macquul maaha waxa uu si qosol ah u yiri “Daanyeer ma lihid miyaa muxuu yahay gacan adaygu?” Taas ayaa maskaxdeeda ku dhalisay su’aal is waydiin mudan. In aan lacag bixiyo, in aanan gacan adkaan kulli ma waxa ay ku xiran tahay in aan daanyeer haysto? Sifooyi...