Kala Koritaan

Kala Koritaan Waa marxalad soo kala dhex gasha dadka wax wadaagga ah sida lammaanaha, kuwa is dhalay walaalaha iyo saaxiibadda. Waa xaalad labada qof uu midkood wacyi ahaan koro halka kii kale uu iska taagan yahay meeshiisii. Tusaale ahaan nin iyo naag isku wacyi ah, oo heerkooda noloshu siman yahay ayaa is guursaday. Naagtii waxa ay bilowday in ay dhisto oo ay garaadkeeda koriso, halka saygeedii uu meeshiisii hore joogo. Muddo kadib labadaas qof waxaa adkaanaysa in ay wada joogaan, waayo waxa ay waayayaan wax ay ka wada hadlaan oo labadoodu isku si u dareemayaan. Saaxiibadana badanaa waxa ay soo martaa marka ay waxbrasho wadaag ahaayeen, kadibna waayuhu midba meel u tuuro oo ay kala fogaadaan. Waa dareen aad u xanuun badan, marka laba qof oo isku dhawaa ay hal mar kala noqdaan labo qof oo aysan jirin wax mideeya. Waxaa jira habab badan oo loo maareeyo haddii ay marxaladdani ku gu timaaddo, waxaana kow ka ah in aad aqbashid adigoo aan qofka kale ku eedaynayn sababta uu meesh...