Posts

Showing posts from December, 2024

Labo Kala War La’

Labo Kala War La’ Waxa ay la tacaalaysaa xaalado badan oo isa saaran. Waa in ay dhaqanka waafaqdo si'ay aqbalaad buuxda u hesho, sidoo kalana waxa ay rabtaa in ay caqligeeda ku tashato si'ay u gaarto waxyaabaha dhiirranaanteedu u suurto galinayso. Galab ayada oo daallan, oo kumbuyuutarkeeda ku boobsiinaysa shaqo ay muddo dib u dhiganaysay ayaa waxaa garabkeeda soo fariistay nin da'da 30 meeyada ku jira, isu qaba in uu isagu si wacan u labbisan yahay, balse ayadu wixii u horreeyay ee ay aragtay ay ahayd calooshiisa yar ee shaarka cadi ku ciiqsan yahay. Hadal aysan maqal ayuu ku yiri, waxa ay u qaadatay in uu wax waydiiyay. Si'ay u maqasho warkiisa hadal tirada u badnaan doona ayay heestii markaas u baxaysay joojisay. "Ina adeer gabar qurux badan baa tahaye, wehel waad rabtaa" ayuu inta isu yiri isagu, jawaab isaga oo aan sugin kursigii horteeda yaallay fariistay. Saacadda kumbuyuutarka oo 5tii galabnimo tilmaamaysa ayay isha ku xadday, bal si'ay u qiimayso ...

Ila Qor Qisada Filinkeenna

Image
 Ila qoob ka ciyaar illaa iyo dhammaadka dunida. Aynu wada qosolno marka xaaladuhu ugu murugo badan yihiin. Ina keen aynu ka dhuumanno marxaladaha cakiran, waxa aynu sidii dhallaankii xero iyo guryo ka samaysanaynaa xeelliga xeebta.  ila safar, safar aan jiho lahayn. Aynu wada booqanno guryaha taariikhda leh iyo kuwa la iska hilmaamay ba. Aynu jidka ku sii aragno wax walba oo indhuhu jeclaystaan wax kasta oo qalbigu diido. Aynu markhaati ka noqonno bilaabashada nolosha dad aynaan aqoon. Waxa aan booqanaynaa isbitaal aynaan garanayn magiciisa, waxa aan si habqan ah u dooranaynaa hooyo ummulaysa, waa aan sugaynaa inta ay ka dhalayso. Waxa aan siinaynaa ubaxyo iyo hadiyado, waxaana ugu bishaaraynaynaa in ilmahaas yar  dunidu u noqoto mid soo dhawaysa. Ayaga oo na la yaabban ayaan ka tagaynaa, annagoo ku faraxsan ficilka aan samaynnay.  Ila dhadhami wajiyada ka la duwan ee nolosha. Aynu is yeelanno xilli walba. Aynu si baraad leh iyo si baraad la' ba marwalba is dooranno...