Cawa
Cawa waynu is hor fadhinnaa, waxa aan ka wada sheekaysanaynaa tagto iyo timaaddo, waayo iyo habeenno xun oo aan seexannay illinta oo indhaheenna qulqulaysa. Sidoo kale waxa aan haysannaa labo koob oo qaxwe ah, kuna filan in aan si qoto dheer u xasuusanno maalmo qurux badan oo aan wax badan wada qosolnay, heer illinta farxaddu dhabannadeenna dareerto.
Caawa waynu is hor fadhinnaa, annaga oo wajiyadeennu u egyihiin kuwa is yaqaanna, xasuuso qurux badan ka dhaxeeyaan haddana gidaar wayni uu dhexdooda yaallo miyay maalmihii qurxoonaa sababi karaan in isu dhawaansho lama filaan ahi dhexdeenna yimaado?
Cawa waynu is hor fadhinnaa waxa aan si ula kac ah usoo marsaday lipstick tii guduudnayd ee marwalba oo aan marsado aad u hollan jirtay dhunkasho. Adiguna waxa aad si ku talo gal ah usoo xiratay, shaarkii buluuga khafiifka ahaa ee marwalba oo aad gashatid aad ammaantayda ka heli jirtay. Jawigu waa mid xasilloon, hawadu waa mid khafiif ah, dabayl dabacsan ayaa maqaarkeenna xan xantaynaysa bal si qalbigeennu isugu dabco. Dayaxa oo markhaati ka ah wada sheekaysigeenna waqti dheer kadib, cirka oo amar ku siiyay xiddiguhu in ay si farshaxan leh u dhalaalaan si dhalaalkaasi u kiciyo, ololkii laabaheenna isu soo diirin jiray marwalba oo aan meel wada joogno.
Cawa waynu is hor fadhinnaa sheekadu ayadaa socota, annaga jidhkeenna oo keli ah ayaa xaadir ah, laabaheennu waxa ay u bakhooleen in ay dib ugu daawaafaan maalmo macaan oo noloshu u ekayd mid aan dhammaanayn marka labo dhalinyara ah, heli kara cid walba oo ay doonaan balse ayagu un isu jeeda ay jacayl mahiigaan ah dhex maquuranayeen.
Cawa waynu is hor fadhinnaa, waxa aan haysannaa jaaniskii u horreeyay, una dambeeyay ee aan fursad ku siin karno jacayl heli kara hoy uu ku noolaado. Labo isku wax jecel, dhexdoodana ay ka abuurmi karto sheeko aan ku dhammaan ayaga dhamaadkooda ee waari karta waayo badan inta qoraalka xiisaha leh ee ay ka sameeyaan marwalba oo ay jacayl sameeyaan uu ku xardhan yahay buug xasuuseedkooda. Miyaynu ku guulaysan in aan markale is hanano, mise annaga oo gadaal isu soo eegayna ayaan ku libdhaynaa il ma aragtada.
Comments
Post a Comment