QORRAX MADOOBAAD

Qorraxdii baa madoobaatay dhulkii baa mugdiyoobay. Qof walbaa waxa uu u cararay wixii uu aaminsanaa. Kii muslin ahaa, aayado quraan ah iyo salaad buu tawakulay. kii kiristan ahaana kaniisadda ayuu miciin biday. Hooyadii ilmaheeda dhallaanka ah dhabta ku haysatay waxa ay gargaar bidday duco ay afka ku boobtay. Wax walbaa waxa ay galeen xaalad hubanti la’aan ah marka la ga reebo xaalka Magan. Waxa uu si qummaati ah u cabbayaa koobkiisa qaxwaha ah. Dadkii agagaarkiisa joogay waa ay kala cararayaan, isaga oo aan kala jeclayn in dunidu hadda dhammaato iyo in ay sii jirto ayuu xabbad sigaar ah jeebka kala soo baxayaa. “Tolow haddii hadda koonka la laabo ka warran?” Ayuu isa su’aalayaa. Isla isaga ayaa isu jawaabaya. “Oo maxaa iga dhex yaalla oo aan labadaydaas calal ee aan huwanahay ahayn?” “Miyaadan aakhiro ka baqayn, nin u shaqaystayna kuguma ogiye?” “Waxa aan ogahay in aysan xaalka aan maanta ku jiro marna ka xumaanayn.” Sharqartii ayaa kala yaraatay, isaga iyo kursigii caagga ...