Isbad-baddalka Dareennada

Isbad-baddalka Dareennada Qof baad jeclaatay, oo aad u boholyowday. Xiriirkiinnii buu si’aan macno lahayn u jaray. Codkiisii baad baadi goobtay, meel walba oo aad ka heli kartay ayaad haleeshay waadse ku guuldarraysatay, adigoo hurda waayay aawadiis, waqti badanna kaaga baxay sidii aad maskaxdaada uga sifayn lahayd ayaad muddo noolayd. Waxaa ku soo hormaray daqiiqado iyo maalmo aad wax walba isaga ka dhex arkaysay, marxalad walba oo aad ku jirtid waxa aad is oranaysay tolow muxuu ka dhihi lahaa? Miyaysan wacnaateen in aan hadda wada joogno. Si dabiici ah ayuu qofkii laabtaada uga baxay, waxa aad is aragtay adiga oo aan wax dareen ah u qabin. Qofkii haddii aad magaciisa ku aragto shaashadda taleefankaaga wadnuhu ku garaacmi jiray ayaa habeen adiga oo iska faraxsan ku soo wacay. Waad laba boglaysay, miyaan ka qabtaa mise waan iska daayaa ayaad iskula faqday, intii aad is waraysiga isugu maqnayd ayuu call kii go’ay. Waxa aad damacday in aad WhatsApp ka dib ugu noqoto, si ...