Posts

Showing posts from May, 2024

BAL SAWIRO

Image
  BAL SAWIRO!  Waxa aad adiga oo faraxsan u raacday badda gabdhaha saaxiibaddaa ah. Waqti qurxoon ayaad soo qaadateen, jallaato ayaad cunteen cabbaarna waxa aad ka sheekaysateen nimanka noloshiinna ku jira. Waxa ay ku waydiiyeen wiilka aad dhawaanahaan isla baxayseen halka aad isla maraysaan. Adiga oo dhoolla-caddaynaya ayaad u sheegtay in xiriirkiinnu sidii ugu wacnayd u socdo, muddo 6 bilood ahna aadan shukaansan cid aan isaga ahayn. Saaxiibtaa Khadra oo ah nooca ragga aaminitaankooda shakiga ka qaba ayaa kugula kaftantay, “Maxay ahayd maah-maahdii, ukuntaada hal sallad ha ku wada ridin. Naa naag qurux badan baa tahee illaa meher kugu dhaco hal nin ha isku koobin.” Adiga oo niyadda iska leh haddii ay Bile arki lahayd niyadeedu way isbaddali lahayd ayaad dhoolla-caddayn ku dhaaftay warkeeda.  Music qaaci ah, oo huteel xeebta saaran ka daaran ayaad cabbaar wada dhagaysateen kadibna in aad berri shaqo leedihiin ayaad is xasuusiseen meeshiina waad ka soo dareerteen. Bajaaj ...