MURUGO QURUX BADAN: DABADEED WAY IS GUURSADEEN
Wax walbaa waxa ay ku bilowdeen murugo, waxa ayna ku dhammaadeen murugo, sidii in aysan waxba isbaddalin oo kale. Waxa ay u ekayd sidii in aysan meeshoodii ka dhaqaaqin, haddana waxa ay ku noolaadeen nolosha noocyadeeda kala duwan. Subax qurux badan ayay Libin oo hooyadeed la jeclaatay magac guul ka turjumaya, balse nolosheedu noqotay taas cagsigeeda, waxa ay usoo dhaqaaqday dhanka xeebta si’ay u dareento nafisaad. Habeenkii ka horreeyay subaxaas oo dhan waxa ay ku qaadatay, oohin iyo murugo sababtoo ah jacaylkeedii, ninkii ay ragga ka dooratay ayaa u sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu sii wado xiriirkeeda. Waxa ay fariisatay xeebta, biyaha badda oo mawjaduhu soo riixayaan ayaa ku soo daadanayay cagaheeda, ayaduse waxa ay u ekayd qof aan dareemayn. Maskaxdeedu waxa ay ku dhex dhuntay badwaynta, oo waxa ay is waydiinaysay sida ay macquul u tahay in qof aad jeclaatay sidaas fudud ku gu cidleeyo. Dhanka kale Ladane oo isaguna murugoonaya, oo raba in uu is illowsi...