180km/hr
Gaariga oo taagan, daaqadda oo furan ayaan ka soo baxay albaabka gurigayga. Waa saq dhexe xilli qof walbaa seexday. Barafuunkiisa ayaa markiiba i saaqay. Waan u dhoola-caddeeyay kadib ayaan iri "Nolosheenna waxa ugu qurxooni waa wareegga aan xilligaan u baxno." Suunka ayaan xirtay kadibna gaariga ayuu dhaqaajiyay. Heestii koowaad ayuu daaray. Oh Wonder - Livewire. "Your love will take me higher and higher" marka uu fannaanku qaadayay ayuu isoo eegay. Laamiga ayaan soo gaarnay kadib ayuu xawaarihii gaariga siyaadiyay. Magaaladu waa Garowe, waddooyinku waa dhisan yihiin waana cidlo. Bixidaani waxa ay uga duwan tahay kuwii ka horreeyay in ay tahay teennii u dambaysay. Berri subixii ayaan baxayaa, in aan dib isu aragnana waa masalo ku xiran hadba sida laandhuugu u dhaco. Laamiga oo cidlo ah, wadada oo mugdi noqotay madama aan xoogaa ka soo fogaannay magaalada, gaariga oo ku soconaya 180km/hr wadnahayga oo xoog u garaacmaya, kiisa oo aanan qiyaasi karin i...