Posts

Showing posts from January, 2024

JANNO

Waan ku arkay oo ku caashaqay. Waa wax la gu qoslo in wax noocaas ah qof loola tago ayuu niyadda iska yiri. Ee maxaad samaysaa waa sidaas sida aad dareemayside? Miyaysan ku gu filnayn in aad bilooyin sheedda ka daawanaysay taasi sifo uguma filna miyaa jacaylkaaga saafiga ah? Oo yaa og in aad daawanaysay daawashadaasi miyaysan sababayn in la guu maleeyo mid wax si ka yihiin oo dadku la jaalkiisa ka durkaan?. Su'aalo aan dhammaanayn ayaa maskaxdiisa hadba dhinac u jiiraya, qalbigiisana jacayl intaas xaddi le'eg ayaa dhex heehaabaya.  Waa kan isaga oo galab galbaha kamid ah fadhiya daaqadiisa oo sugaya soo maritaankeedii joogtada ahaa. Waxa ay indhihiisu ku dhaceen daqiiqad habaaran bushimaheedii qosolka u samaysnaa oo si xad dhaaf ah u dhoolla-caddaynaya. Alla anaa jabay! Ma cid aan aniga ahayn ayaa sidaas uga qoslin karta. Oo maxay uga qoslin wayday soo adiga dhiirran waayay.  Marka aad waji ka waji isaga soo hor baxdaan si marxabayn ah ayay kuugu muusootaa mararka qaarna waaba...