Ha Rajo Dhigin
Waxa aan saarnayn daaqadda qolka, waxa aan daawanayay sawirka magaaladii aan ku dhashay anigoo isla jeerkaasna isaga indhihiisa eegaya. Waxa aan sawiranayay sida ay macquul ku tahay in aan dhibaatooyinkaan dunida ka gudubno annagoo aan jacaylkeenna lumin, annagoo kalsoonida aan isku qabno aysan meesha ka bixin. Dadka waawayni waxa ay dhahaan waqtigu waa kan wax walba daweeya, aniga waxa ay ila tahay in uu waqtigu yahay kan dadka is jecel kala kaxeeya, kan ka naxsada kuwa rajo qurxoon mustaqbalka ka sugaya, kan wax walba oo xaqiiqada ka fog balse aan laabteenna ku siraynay meesha ka saara. Anigoo wajigiisa daawanaya, ayaa waxa aan sawiranayay sida ay macquul ku tahay in aan si nabad ah ugu wada noolaanno magaaladii aan ka nimid ayadoo aan qabiil qabiil la isku dilayn, ayadoo aysan shacabku dowladda iska waardiyaynayn, ayadoo aysan dhalinyaradu tahriib ka fakarayn ee ay qorshaynayaan sidii aan dhulkeenna u beeran lahayn, baddeenna u dheefsan lahayn dunidana annagu asaage...