MUQDISHO WAY I SUGAYSAY
Wax walba waa dhammaadeen. Rajo danbe ma leh, riyo danbe ma leh, macquul maaha dib u laabasho, caqligu yeeli mayo dib u gocosho. Qoraxxdu waxa ay soo baxdaa subaxa si kasta oo uu u wayn yahay iftiinkeeda maalinlaha ah awood uma laha in ay nagaato, in ay la wareegto booska dayaxa. Ugu dambayn waxa ay ku khasban tahay in ay godkeeda u hoyato ayadoo ka xun, ama ku faraxsan ka ay tahayba awood uma lihin in ogaanno ka ay doorbidi lahayd. Anigu sidaas ayaan ahay, si kasta oo aan noloshaada ugu jiray, sifo walba oo aan ku joogay, albaab walba oo aan kasoo galay waxaa timid saacaddaydii tii aan galban lahaa noloshaadana macasalaamayn lahaa. Qorraxdu doorasho ma leh, anigase waad i siin kartay sifo aan ku nagaado, waad ii qoondayn wayday boos aan kaligay leeyahay. Boos aan isku hubo lama yaqaanka ka dhalan karana u bareero. Waxa aad muujinaysaa murugo, ka qoomamayn iyo in aad ka xun tahay iswaaga haddana far fidin maysid, isku day kiisa ugu yar u huri maysid in aad bad-baadisid wada socosh...