Posts

Showing posts from May, 2023

ANIGA IYO QABYAALADDA

Muhiimadda qabiilku waxa ay ahayd waxa ugu yar ee aan aqaanno. Sababo badan oo isbiirsaday awgood iima suurtagalin in naftaydu ku baraarugto heerka qabyaaladdu ka gaarsiisan tahay bulshada dhexdeeda. Su'aasha ugu yar ee aan waligay qof waydiiyay waxa ay ahayd qabiilkee tahay? Uma arkayn muhiim in aan ogaado qofka qabiilkiisa, waxaa wax walba igala muhiimsanaa aniga iyo qofkaan maxaan isku fahmi karnaa. Markii aan yaraa ee aan dugsiga dhiganayay waxa aan saaxiib la ahaa, cid walba ee fasalka aan is sheeko fahanno. Markii aan soo waynaaday ee aan shukaansi bilaabay, waxa aan la sheekaysan jiray ciddii aan u arko in aan isku waddo u soconno. Caqligaygu waxa uu aaminsanaa sidee ayaad qof dhan ugu qiimayn kartaa qabiilkiisa isaga oo leh kumanaan shay oo ka muhiimsan. Aniga oo aan sidii ugu baraarugin ayaan kasoo tagay dalkii aniga oo aan wali indhaha ku kala qaadin illaa iyo inta ay muhiim u tahay qofka soomaaliga ah in uu ugu yaraan ku baraarugsan yahay in qabiilku yahay cunsur muhiim ...