Posts

Showing posts from January, 2023

WAA CAADİ

WAA CAADİ Wadnahaygiyow waa caadi haddii aad i hilmaamtay, anigu waxa aan weli laabta ku hayaa ballamihii beenoobay. Waxa aan weli naawilayaa in ay si'uun ky rumowdo beentii faraha badnayd ee aan habeen walba marka dayaxu soo baxo illaa iyo cadceeddu booskiisa la wareegto aynu is waraabin jirnay.  Maankayga miyay Kaba go'i karaan sidii aynu isu dhaafin jirnay waaqicii foosha xumaa. Si kasta oo aad ii illawday miyay macquul tahay in aad illawdid sidii aan isku dhaafinnay jawigii adkaa. Xasuustayda ka go'i mayso sidii aan habeen walba kuugu qancin jiray in aadan tahriibin, in aadan ka quusan dalka.  Waxa aad igu oran jirtay waddaniyad baa tahay, ma ogtahay in aysan waddan jacayl iga ahayn ee aan aad uga baqi jiray in aan ku waayo. Haddii aad ku dhimato iyo haddii aad ka badbaadaba aniga qalbi jab bay ii ahayd. Waan hubay in haddii aad jidkaas cagta saarto aan ku waayayo, xisaabtase kuma darsan in annagoo wada joogna hal magaalo, wada dhigannay hal jaamacad nolosh...